Home Afsomali Puntland oo Heshiis iyane la gashay Shirkadda Dubai World

Puntland oo Heshiis iyane la gashay Shirkadda Dubai World

Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu meel mariyay heshiis ay wadagaleen xukuumadda maamulkaasi iyo shirkadda Dubai World, taas oo ku maal gashanayso dekadda magaalada Boosaaso.

Hadaba maadaama uu baarlamaanku hore kalsoonidii ugala noqday golihii wasiirada mid cusubna aanan weli la soo dhisin, sharcigu ma ogolyahay in ay wasiiradii hore baarlamaanka horkeenaan heshiisyo dawladdu gashay? Faa’iido intee leeg ayaa se ugu jirta dadka Puntland heshiiskaasi?

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa meel mariyay heshiis ku saabsanaa dhismaha Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, wadada Garowe iyo Eyl oo ay fulineyso shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo CCECC.

Madaxweynaha Puntland ayaa horaantii sanadkan waxaa uu heshiis Dekeda Boosaaso kula wareegayaan uu la soo galay Shirkadda DP World, heshiiskan ayaa dhigaya in muddo 30 sano ah ay dekeda Boosaaso maamusho shirkadd DP World,  Taa bedelkeedana lagu maalgaliyo Lacag qiimo ahaan dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ku bixin doonto 136 Milyan  milyan oo dollar, wajiga labaadna 200  milyan Doolar.

Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaannu waydiinnay Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax (Shiike) oo ka tirsan baarlamanka Puntland oo u warramay Saxaafada

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.