Home Afsomali Puntland oo ku dhawaaqday in 21 Iskuul u xirmeen Abaar darteed

Puntland oo ku dhawaaqday in 21 Iskuul u xirmeen Abaar darteed

 

Wasaaradada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war-murtiyeed ka soosartay Shirka Waxbarashada Xaladaha deg deg ah ee Puntland, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Warsaxaafadeedka laga soo saaray Shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay wajahaysay shanti sano ee u danbaysay xaalado adag oo isugu jira Isbadalka cimilada, abaaro dabo dheeraday, duufanno, aafadda ayaxa, rabshado iyo xanuunka
COvID-19, Isla markaana dhibaatooyinkaasi ay ka dhasheen barakac baahsan,

Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay in
saboolnimo iyo saamayn taban ee waxbarashada
qiimayn hordhac oo ay samaysay Wasaaradda Waxbarashada saamaynta abaartu ku yeelatay
dugsiyada Puntland xilligaan hadda la joogo ay xaqijinayaan in ay xirmeen 21 dugsi oo ay dhiganayeen 8,624 arday, sido kale abaartu
ay saamaysay 65,320 arday dhammaan goboladda Puntland.

Warsaxaafadeedka Wasaaradda Waxbarasada Puntland oo aad u dheer ayaa sidoo kale lagu sheegay in si wax looga qabto xaaladan adag, Wasaaradda Waxbarashada, iyada oo kaashanaysa Mashruuca Waxbarashada, haya’dda badbaadada Caruurta (Save the Children) ay Qabteen Shirweyne looga hadlayey xaalada ka sii daraysa ee abaarta iyo saamaynta ay ku leedahay Waxbarashada, waxaana Shirka ka qaybgalay dhamaan bahwadaagta Waxbarashada co ay
ku jiraan saraakiisha Maamulka, hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay iyo kuwa aan dawliga ahayn, bulsha-weynta Puntland, Ganacsatada iyo Qurbajoogta.

Shirka ayaa aqoonsaday una mahadnaqay taagoerada joogtada ah ee Mashruuca Waxbarashada iyo deeg bixiyayasha kale ee ku aadan horumarinta Waxbarashada iyo
adeegyada waxbarshada xilliyada xaaladaha degdegga ah ee dawlad Goboleedka Puntland.

Shirku waxa uu soo jeediyay qodobada hoos ku xusan ee ku aadan Ka jawaabidda baahiyaha Waxbarashada xaaladaha deg-dega ah.

1. In Puntland abaabusho iskuna dubariddo dhaqaalihii wax looga qaban lahaa saamaynta abaartu ku yeelatay Waxbarashada.

2. Shirku waxa uu garowsaday ugana mahadnaqay Puntland dhismaha guddiga abaaraha oo ka kooban Maamulka, Ganacsatada, Qurbajoogta, Culimada iyo gaybaha kala duwan ee bulshada.

3. Shirku waxa uu dhirigeliyy dardar-galinta taageerada deeq bixiyaasha ee ku aadan wax ka qabadka abaarta.

4. In bah-wadagta Waxbarashadu dib u eegis kusamayso mashaaricda socda, dib-u-qaabeyn dhamaystiran oo ka jawaabeysa baahiyaha taagan.

5. Adeegyada quudinta, biyaha iyo nadaafadu waa kuwa ugu mudan ee u baahan wax ka qabad.

6. Shirku waxa uu garowsaday baahida loo qabo sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan Waxbarashada xaaladaha deg-degga ah iyo gorshayaasha mustaqbalka.

7. Shirku waxa uu dhirigelinayaa baararujinta iyo wacyl-gelinta bulshada si loo xaqijiyo in barayaasha yo ardayduba dib ugu laabtaan dugsiyadi abaaruhu saamayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.