Home Afsomali Puntland oo mamnuucday ka ganacsiga Qalab halis ku ah Nafta Bini’aadamka

Puntland oo mamnuucday ka ganacsiga Qalab halis ku ah Nafta Bini’aadamka

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa joojisay, oo mamnuucday ka ganacsiga, soo dejinta iyo isticmaalka qalab nooca kalluumaysiga ah, kuwaasi oo Maamulka sheegay inay halis ku yihiin Nafta bini’aadamka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu joojiyay ka ganacsiga qalabka kala ah Tooshka iyo Haamaha Macmalka ah ee loo yaqanao “Hoo-Nuug” iyo ka ganacsiga iyo Isticmaalka Shabaagaha Caaga ah, kuwaasi oo la ogaaday inay khatar ku yihiin nafta bini’aadamka iyo Khayraadka Badda.

 

Sidoo kale Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa mamnuucday in laga ganacsado Aargoosatada billaha 10-aad ilaa 1-aad ee Sanad Walba, xiligaas oo tarankeedu ku beeganyahay

 

Wasaaradda kalluumaysiga ayaa ku wargelisay doonyaha ajnabiga ah ee kalluumaysta in ay ka reeban-tahay imaanshaha meelaha ay kalluumaysatadda Wadaniga ahi ka kalluumaystaan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.