Home Afsomali Puntland oo shaacisay xilliga lagu dhawaaqayo xukunka rag dil loo heysto

Puntland oo shaacisay xilliga lagu dhawaaqayo xukunka rag dil loo heysto

Maxkamadda Darajada Kowaad ee Magaalada Qardho ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay shaaciaay in 19-ka Bishaan ay go’aan ka gaareyso xukunka 5 rag ah oo ku eedeysan dil loo geystay Sharmaarke Warsame Nuux oo kamid ahaa Dhalinyarada Magaalada Qardho.

Raggaan ayaa la sheegay inay jirdil Xabsiga Magaalada Qardho ugu geysteen Sharmaake sidaasina uu ku geeriyooday, waxaana Maxkamadda ay soo geba-gabeeysay baaritaano ay ku heeysay kiiskaas.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa sheegay ay u harsan tahay kaliya ku dhawaaqista xukunka Shanta Nin ee ku eedaysan dilka marxuumka, isla markaana dhammaantood qirsan yihiin in ay dileen maxbuuska.

Ehellada Sharmaake Warsame Nuux iyo saaxiibadiisa ayaa dhowr jeer ku cel celiyay inay doonayaan in cadaalad u helaan Sharnaake, hayeeshee ugu dambeyn ay sugayaan go’aanka ay gaarto 19-ka Bishaan Maxkamadda Darajada koowaad ee Magaalada Qardho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.