Home Afsomali Puntland oo xabsi ku gurtay shacab soo dhoweyn rabay Wasiir ka tirsan...

Puntland oo xabsi ku gurtay shacab soo dhoweyn rabay Wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble

Ciidamada Booliska Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa xirxiray dad doonayay inay soo dhaweeyaan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo saaka gaaray halkaasi.

Ciidamada ayaa markii hore waxaa ay dadka ku celiyeen banaanka Garoonka, waxaana dadka la xiray ay ahaayeen kuwo doonayay inay garoonka soo galaan.

Muuqaalo la soo dbigay Baraha Bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Puntland oo qoor qabanaya qaar kamid ah dadka soo dhaweynta ka qeyb geli lahaa, isla markaana saarayay Gaadiidka dagaal..

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo ay galbinayeen Gaadiid dagaal ay dadweyne kale soo dhaweeyn loogu sameeyay Magaalada dhahar ee Gobolka Sanaag.

Saraakiisha Amniga Garoowe diyaaradaha Caalamig ah ee caasimadda Garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan in xiisad ka dhalatay imaatinka Wasiir Jamaal.

Wasiir Jamaal oo lagu tiriyo inuu si weyn uga horjeedo Maamulka Saciid Deni ayaa dhinaca kale waxaa uu saaxiib dhow la yahay Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.