Home Afsomali Qaabkii Lagu soo daaye Jaamac Abdi Ismail ( Jaamac Kuutiye oo dilay...

Qaabkii Lagu soo daaye Jaamac Abdi Ismail ( Jaamac Kuutiye oo dilay gaalo somaliland kirishtaanimo ku faafinayey 20 sano ka hor

Qaabkii Lagu soo daaye Jaamac Abdi Ismail( Jaamac Kuutiye oo dhamays tiran Halkan ka Akhriso iyo cida soo damiinatay.

Kadib Warqad Codsi damaanad Maxbuux Jaamac Abdi ismail Jaamac( kuutiye) oo Wasiirka Hawlaha Guud Abdirashiid Ducaale Qanbi u Qoray Madaxwaynaha somaliland Muuse Biixi Abdi 24/8/2021/ ayaa Lagu soo daaye Jaamac Kuutiye.

Hoos ka akhriso Warqada Damaanada ee Wasiir Abdirashiid Ducaale Qanbi u Qoray Madaxwaynaha.

Jaamac kuutiye ayaana Maanta dib u helay Xoriyadiisii Kadib 17 sano oo Jeelka ku Xidhnaa oo Maanta Madaxwaynaha somaliland uu Cafis u fidiye.

Jaamac kuuti ayaan goor dhawayd Kula Xiriiray talefoonka isagoo ku sugan Guriga Wasiir Abdirashiid Ducaale Qanbi Halkaasi oo Maanta Marti Qaad loogu sameeye” Waxana uu sheegay inuu Caafimaad Qabo Kana soo Baxay jeelka”

Waxana uu u Mahad celiye ilaahay oo Maanta dib Xoriyadaydii ii siiye iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeyta Abdirashiid X Ducaale Qanbi iyo Marwadiisa Cawo saleebaan( Cawo Rabiish).

Waxay ku eedeysnaayeen isaga iyo rag kale  dilka Enid iyo Richard Eyington oo sannadkii 2003 lagu dilay Shiikh, oo ka tirsan Jamhuriyadda la baxday Somaliland.

Ugu danbaytii Jaamac Kuutiye Waxaa uu ii sheegay in Wasiir Abdirashiid iyo Xaaskiisa Cawo saleebaan aanay Maalin kaliya ka seexan intuu Xabsiga ku jiro oo da.daal dheer Ku Bixiyeen inuu Xoriyadiisa Helo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.