Home Afsomali Qaar kamid ah Maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumaysta badda Soomaaliya oo...

Qaar kamid ah Maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumaysta badda Soomaaliya oo lagu daray liiska madow

Maraakiibta Spain iyo Faransiiska ee dhawaan lagu helay iyagoo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay badweynta Hindiya ayaa lagu daray liiska madow kaddib markii Hay’ada Blue Marine ay Kashiftay Boobka ay wadeen Maraakiibta labadan waddan.

Guddiga Tuna ee Badweynta Hindiya (IOTC) ayaa sheegay in maraakiibtan lagu helay inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya, Mauritius, India iyo Mozambique; iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan dalalkan.

Warbixin ay soo saartay IOTC, oo la sii daayay intii lagu guda jiray Kalfadhiga 26aad ee Seychelles ayay tiri hay’addu: “Jarriifka noocaan oo kale ah wuxuu dhibaato aan la soo koobi karin u geystaan baddeena khatarna ku ah nolosha badda iyo dadka ku tiirsan adduunka oo dhan.

Maraakiibtan Faransiiska iyo Spain ayaa 97% waxay Jariifaan Kalluunka Tuunnada, waxayna sharci daro ku qaataan Kalluun ka badan inta ay ka Jilaabtaan waddan dal kasta oo ku yaalla Badwaynta Hindiya, oo ay ugu sii daran tahay Somalia.

IOTC, oo ah hay’ad dawladeed oo loo igmaday in ay ilaaliso kheyraadka kalluumeysiga ee Tuna Badweynta Hindiya ayaa sidoo kale kor u qaadayay isticmaalka farsamooyinka kalluumeysiga ee habboon.

Guddigu ma sheegin tirada maraakiibta la mamnuucay balse waxay soo jeediyeen in dhammaan dadka wata calamada labada dal aan dib dambe loo ogolaan doonin inay ka kalluumaystaan aagga laga mamnuucay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.