Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa xabad joojin kala dhex dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay Tuulada Bacaadleey iyo Deegaanka Qalimow oo hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Axmed Meyre Makaraan oo bilowgii dagaalka qadka taleefanka kula hadlay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay dhul beereed islamarkaana dega degaannada Qalimow iyo Bacaadleey si loo joojiyo qasaaraha ka dhalankara dagaalka ayaa booqday goobtii ay diritu ku dhexmartay beelahaasi, isaga oo degaanka Qalimow ee Gobolka Shabellaha Dhexe uu kula hadlay Odoyaasha deegaanka uguna baaqay in ay qaataan xabad joojin
Odoyaasha labada dhinac ayaa qaatay xabad joojinta uu ku dhawaaqay Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in Maamulka Gobolka fidinayo gogol nabadeed isla markaana halkaas lagu wada hadli doono waxaana uu ku baaqay in laga sii shaqeeyo nabad kuwada noolaashaha Bulshada si bilaash ahna uusan ku daadan Dhiiga Dadaka Soomaaliyeed.a