Home Afsomali Gudoomiye Taabid oo ku guul dareystay in maamulkiisu dib u aasid ku...

Gudoomiye Taabid oo ku guul dareystay in maamulkiisu dib u aasid ku sameeyo meydad daadadkiii roobku ka soo saareen qabuuro ku yaal dagmada xamar jajab

 

Qaburahaan oo ku yaal iskool buliiziya halka dadka lagu toogto ee dagmada xamar jajab ee Gobolka bnaadir ayaa la soo warinayaa in ay dumeyn halka qaarkoodna ciidii uu qaaday daad ku soo rogmaday

Qabuuraha ayaa waxaa soo wajahday dayacnaan ku timid ka dib markii meel aan ka fogeyn dad waxmagarato ay ciida ka qoteen si ay magaalada ugu iibgeeyaan ,tasina waxay sahashay kolkii roobku yimid in daadkii soo rogmaday ay qaadaan ciidii qabriyada ka dibna biyihii galay qabriga ay soo saareen lafihii dadkii lagu aasay .karfanadii fuurtooyinkii iyo weliba qoryihii fuustooyinka ka hooseeyey .

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo somalisan la xariiray ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay arintaa isla markaana ay ku noqotay fajac iyo layaab wuxuuna intaa ku daray in dheecaankii meydadka iyo iyo biyihii roobka ayaa ka wada muuqdaan qabriga biyuhana ay yihiin kuwa ceegaaga halkii qabrigu ahaa ayna yihiin kuwa uu arki karo qof kasta oo haraya agagaaka qabriyada iskoola buluusiya .

Qabuurahaan la soo sheegayo waa kuwa lagu aaso dadka caadiga ah ee ay halkaa ku aastaan eheladooda kuwaa oo laga kala keeno dagmooyinka halkaa ka dhow sida aan warbixinta ku helnay

Dadka dilka lagu fuliyo eheladooda ayaa u qaatay halkii ay ula ekoonaato ka dib markii uu dhaqterku xaqiiyo waxaana jira kuwa kale oo sidaan oo kale u dayacan loona baahan yahay in dib lo asturo .

Somalisan.com waxay qeybaha kala duwan ee bulsho weynta soomaaliyeed ku baraarujineysaa in ay gacan mug leh ka geystaan dowlad iyo shacab ayna ogaadaan in ay danuubta ka dhowrsadaan maadaama soo socdo qiyaamo iyo qabri qof kastana mar haleeli doono meydku.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.