Home Afsomali Qalalaasaha Siyaasadeed ee ka taagaan Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed (DG-KG)...

Qalalaasaha Siyaasadeed ee ka taagaan Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed (DG-KG) oo ku soo aaday waqti khilaaf culus

Qalalaasaha Siyaasadeed ee ka taagaan Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed (DG-KG) oo ku soo aaday waqti khilaaf culus ka dhex aloosan yahay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada wuxuu dabookka ka qaaday in Dowladda Federaalka ay go’an tahay hurinta khilaafaadkii taagnaa.

Dowladdu Federaalka Garsoore kama noqon karto muranka ka dhasha Maamulka Doorashada siyaasadeed ee Dowlad Goboleedyada, waxaana la raacaya habka sharciga horey loo oggolaaday iyo mabaadi’ida guud ee asaaska u ah doorashada siyaasadeed ee hufan.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeynaya inay ku kacday musuqmaasuq, laalush bixin, iyo taagero musharrixin ay wadato ayadoo adeegsaneysa dhaqaalaha iyo awoodda dowladda, ficillaadaasoo ka soo horjeeda tartan siyaasadeed oo xalaal ah. Sidaa darted, Dowladda Federaalka ma bixin karto amarka qabashada doorasho u horseedeysa qalalaase siyaasadeed.

Dhowr arrimood ayaa u baahan in la baaro, xalna loo helo inta aan la qaban Doorashada Madaxweynaha DG-KG:
1. Muxuu Dastuurka KMG ka qabaa doorashooyinka Dowlad Goboleedyada.
2. Muxuu Dastuurka DG-KG ka qabaa Maamulka Doorashada DG-KG.
3. Muxuu yahay doorka Dowladda Federaalka ku leedahay doorashooyinka Dowlad Goboleedyada.
4. Yaa looga dacwoonaya oo wax ka qabanaya xadgudubyada Dowladda Federaalka ka gasho Doorashada Dowlad Goboleedyada.
5. Muxuu yahay doorka Dowlad Goboleedyada ku leeyihiin Doorashada Dowladda Federaalka
6. Yaa xaq u leh xallinta muranka ka dhasha Doorashada Dowladda Federaalka ee ka dhaceysa Dowlad Goboleedyada.
7. Yaa baaraya oo wax ka qabanaya dambiyada soo daabulidda iyo bixinta laalushka iyo Bistooladaha la siiyay Xildhibannada Barlamaanka Koofur Galbeed oo warbaahintu tebineyso.
8. Yaa baaraya oo wax ka qbanaya eedaha la xiriira Musharrixiinta Dowladda Federaalka ku taagereyso hantida iyo awoodda Ummadda.

Waxaan horey u soo jeediyay in la joojiyo Doorashooyinka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ilaa dhammaadka 2da sano ee u harsan Dolwladda Federaalka, mudnaantana la siiyo dhammeystirka Dastuurka KMG, is waafajinta Dastuurka Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, fulinta qorshaha kala guurka Ammaanka, diyaarinta sharciga Xisbiyada iyo Sharciga Doorashada Hal Qof iyo Hal Cod, taaso badbaado u ah in laga baxo jaahwareerka dabadheeraday oo Dastuurrada qabyada ah sabab u yihiin.

Nabadda iyo Nolosha dadka iyo dalka waxay ku jirtaa joojinta dhaqanka iyo ficillada hurinaya colaad iyo qalalaase siyaasadeed. Waxaa loo baahan yahay wadaxaajood ay garwadeen ka noqdaan waxgarad iyo xeeldheerayaal aqoon iyo waayo aragnimo u leh xaaladda murugsan ee dalka Soomaaliya iyo hirgelinta doorasho xoojineysa geedisocodka nabadda, midnimada shacabka, iyo nidaamka dowliga ah.

Dr. Maxamud M Culusow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.