War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomalaiya ayaa looga hadlay xiriirka kala dhaxeeya Akaademiga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo isticmaashay magaca iyo Astaantooda.
UNSOM ayaa beeniyay inuu xiriir kala dhaxeeyo Akadeemiyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loo bixiyay ee loo soo gaabiyo UNAS oo uu hoggaamiye ka yahay Raāiisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.
āIyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero āUnited Nations Academy of Somalia (UNAS)ā ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.
Waxaa lagu faah-faahiyay qaabka loo adeegsan karo magaca iyo sumadda Qaramada Midoobay, qaabka loo bixin karo iyo shuruudaha laga doonayo qofka isticmaalaya.
āAdeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobayā ayaa la sii raaciyay qoraalka.
Sidoo kale Qaramada Midoobay waxa ay caddeysay in aan laga codsan adeegsiga Magacaan iyo Astaanta, maadaama aan la dalban waxa ay sharci darro ku tilmaameen in lagu ganacsado si aan sharci ahayn.
āUNAS ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNASā.
Ugu dambeyn Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay caddeeyeen in ay xiriir la sameeyeen Masāuuliyiinta UNAS, waxaana ay si toos ah u sheegeen in ay dacwad sharci ah la tiigsanayaan.
āQaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay āUNAS,ā masāuuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hayāadaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaasā ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka.
Akadeemiyada UNAS oo uu hoggaamiye u yahay Raāiisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi waxa ay muddooyinkii dambe diiwaangelineysay dad doonaya in ay ka daraaseeyaan kulliyadaha ay soo bandhigtay.