Home Afsomali Qarax aad u weyn oo ismiidaamin ah geystayna qasaaro kala duwan oo...

Qarax aad u weyn oo ismiidaamin ah geystayna qasaaro kala duwan oo ka dhacay Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ka dhacay Isgoyska Mashquulka badan Ex Kontrool

 

Qaraxa oo inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa waxa uu ahaa mid ismiidaamin ah, oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu weeraray xarun Canshuurta lagu uruuriyo ee Excontrol Afgooye.

Khasaaro aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan xoogan, waxaana qaar kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho la dhigay dhaawacyo aad u badan oo qaraxa waxyeelo kasoo gaartay.

Goobjooge ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa noo sheegay in qaraxu ahaa mid aad u xoog badan, waxa uuna sheegay in uu arkay meydadka dad badan iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay qaraxaasi.

Khasaaraha ugu badan ayaa la soo warinayaa inuu soo gaaray dad rayid ah oo isugu jiray Darawalo gaadiid iyo dadka ay wadeen, arday iyo kuwa kale oo la socday gaadiidka BL-ka.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta buux dhaafiyey,  oo gabi ahaan xiray dhaq dhaqaaqa isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.

 

Illaa iyo hadda ma jirto wax faah faahin ah oo saraakiisha ammaanka ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa ku howlan daabulida dhaawacyadda.

 

Dhibaatadda ugu badan ayaa soo gaartay Mooto Bajaajleyda iyo kaalin Shidaal oo ku taalla Isgoyska oo dab qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.