Home Afsomali Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay oo ka dhacay...

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay oo ka dhacay taalada sayidka ee Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka, waxaana qaraxan loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

dhawaqa risaasta iyo gaaadiidka gurmadka ah iyane si aad ah looga maqalayaa

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa laga arkayaa uuro iyo qaac madow , waxaana goobtaasi si deg deg ah u gaaray  ciidamada dowlada iyo sidoo kale  gaadiidka gurmadka deg dega oo goobta ka qaadaya dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.

Warar horu dhac ah ana heleyno ayaa sheegaya in qaraxu ka dhacay koontarool ku dhaw Isgooska Sayidka oo laga ilaaliyo Madaxtooyada, lama oga ilaa hada khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxan.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.