Home Afsomali Qarax ay ku dhinteen Wiil iyo aabihiis oo ka dhacay duleedka Dhadhaab

Qarax ay ku dhinteen Wiil iyo aabihiis oo ka dhacay duleedka Dhadhaab

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayey duleedka xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya ayey la kacday minada nooca dhulka lagu aaso ah.

Waxaa qaraxaas ku dhintay labo qof halka 5 kalena ay kudhawacmeen.

Labada qof ee dhintay ayaa waxay kala ahaayeen Aabe lagu magacaabo Ugas Amin Hassan Samatar iyo wiil uu dhalay oo gaariga wax ka saarnaa.

Dhaawaca 5ta qof oo qaarkood qaba dhaawacyo aad u daran ayaa la geeyay isbitaalka Magalada Dhadhaab sida wararku nagu soo gaarayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.