Home Afsomali Qarax Caawa ka dhacay Duleydka Muqdisho iyo Ciidamo uu watay G/sare jacfar...

Qarax Caawa ka dhacay Duleydka Muqdisho iyo Ciidamo uu watay G/sare jacfar oo gurmad ahaan Goobta u gaaray

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa Qarax Gaari oo caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelasha biyaha iyo Siinka-dheer gaar ahaan Agagaarka isbaarada Shabeelle ee Duleedka Muqidsho.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay Gaari Cabdi Bile ah, kaasi oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay somalisan.com u sheegay G/sare  Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Madaxa Ciidamada xasilinta G/sare Jacfar ayaa  waxa  u sheegay  Qaraxan in ay ku dhinteen 2 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda, halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana kuwii dhaawacmay loo soo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Ciidamadaan oo uu watay G/sare  Maxamed Abuukar Jacfar  ayaa gurmad ahaan ugu baxay goobta uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay caawa ka wadaan Howlgallo lagu raadinayo raggii ka dambeeyay weerarkan Qaraxa ah ee lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.