Home Afsomali Qarax dad ku dhintay oo ka dhacay adis Ababa Ethiopia

Qarax dad ku dhintay oo ka dhacay adis Ababa Ethiopia

Ilaa sadex qof ayaa ku dhimatay, halka shan kale ku dhaawcmeen qarax ka dhacay bartamaha Addis Ababa, sida lagu faafiyay wakalada wararka ee ENA, Bam lagaga tagay goob kamid ah aagga Lideta ayaa qaraxa sababay.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad dan-yar ah oo darbi jiif ah

Ciidamada amaanka ayaa bilaabay baarista qaraxa oo cidna ayna masuuliyadiisa sheegan.

Ciidamada amaanka ayaa horay u sheegay in la qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa intii uu socday dagaalkii ka dhanka ahaa TPLF laakiin lama hubo in qaraxa maanta dhacay la xiriiro gulufkii gobolka Tigreega.

Boolisku waxay sheegeen in ay baarayaan sababta qaraxa ka dambeesay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.