Home Afsomali Qarax farsamadiisu aad u sareyso oo ka dhacay gudaha Nairobo

Qarax farsamadiisu aad u sareyso oo ka dhacay gudaha Nairobo

Qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Naiorbi, waxaana la rumeysan yahay inuu ahaa qarax miino, sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha Kenya.

Qarax ayaa ka dhacay isgoyska ay iska galaan waddooyinka Tom Mboya iyo Latema.

Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhaawacmay qaraxa oo dhacay abaare toddobadii habeennimo. Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qof kale uu qaraxa ku dhintay.

Warar hor-dhac ah ayaa sheegaya in nin Soomaali ah uu ka codsaday nin riixa gaariga yar ee alaabaha lagu qaato ee suuqyada, inuu u qaado baakad, taasi oo kadib qaraxday.

Baakadda ayaa la sheegay inay ku jireen walxaha qarxa oo lagu hayey romote, waxaana ninkii lahaa, oo la rumeysan yahay inuu ahaa Soomaali, la sheegay inuu cararay.

Booliska ayaa goobta ku sugan ilaa iyo hadda, ayaga oo ka wada baaritaan.

Qaraxan ayaa imanaya wax ka yar laba toddobaad markii weerar lagu qaaday dhismaha DusitD2 ee Nairobi, halkaasi oo 21 qof lagu dilay. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.