Qarax aad u xoog badan si weyna looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka Guriga Hooyooyinka gaar ahaan meel aad ugu dhaw Maqaayada The Village.
Warka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyya, waxa uuna gaariga ku qarxay Maqaayada The Village gaar ahana dhinaca barxada iskaashatooyinka.
Wararka qaar aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu daba socday uuna eryanayay gaari nuuca dagaalka ay wateen ciidamo katirsan dowlada .
Wali lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxan xoogan ee goorshaw ka dhacay agagaarka Guriga Hooyooyinka gaar ahaan Maqaayada The Village, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay si deg deg ah u xiray ciidamada amaanka .
, Taliyaha Ciidanka qaybta Waliyoow Cadde ee Gobolka Banaadir,Col: Maxamed Daahir ayaa SONNA u sheegay in Qaraxa lala damacsanaa Gaarigiisa oo goobta marayay, balse uu ka badbaaday.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow tiyaatarka qaranka ee magaalada.
Qofka dhintay ayaa ahaa darawalkii gaaariga qarxay waday, sida ay sheegeen laamaha ammaanku.
Gaashaanle sare Maxamed Daahir oo ka mid ah Saraakiisha Booliska, waxa uu sheegay in Gaariga Qarxay lala damacsanaa Gaari uu isaga watay. hase ahaatee Afhayeenka wasaarada ammniga waxa uu leeyahay Gaariga waxa uu xoog ku jiiray bar-difaac kadibna waa uu rogmaday. Qofkii waday Gaariga ayaa ku dhintay saddex kalena wey ku dhaawacmeen.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0