Home Afsomali Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay Ciidamo saf ku jiray

Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay Ciidamo saf ku jiray

faahfaahin laga qarax ismiidaamin ah oo geystay  khasaare oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah caasimada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka Turk-Som oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday saraakiil cusub oo tababar loo qaadayey, iyadoona la soo wariyey inuu fuliyey qof ismiidaamiyey

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in la toogtay is-miidaamiyaha ka hor inta uusan dhex-gelin dhalinyaro saf ku jiray oo leyli saraakiil loo diyaarinayay.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxaan, sida ay soo sheegayaan dad gooobjoogayaal ah, balse weli ma cadda inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.