Home Afsomali An explosive massive major fuels in Ethiopia .who was targeted by...

An explosive massive major fuels in Ethiopia .who was targeted by the new prime minister, Abi Ahmed Qarax ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya,

 

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu Qarax ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo lala beegsaday R/wasaaraha cusub ee dalkaasi Abiy Ahmed.

 Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob fagaare ah magaalada Adis ababa oo R/wasaaraha dalkaasi la filayay inuu dad kumanaan ah kula hadlo, iyadoo wararkii ugu horeeyay ay hadda uun soo baxayaan.
R.wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka badbaaday saaka Qarax ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Adis ababa, halkasoo uu kumanaan qof kula hadlay.

Ciidamada amniga ayaa isku gadaamay R.wasaaraha kadib qaraxa oo aanay waxba ka soo gaarin, waxaana degdeg looga kaxeeyay goobta, iyado ay isku isku wareejiyeen ciidamada, wuxuuna qaraxa dhacay wax yar kadib markii uu khudbadiisii dhammeystay.

Saxaafadda Itoobiya ayaa sheegtay in dhowr qof ku dhaawacmeen qaraxa, iyadoo xaaladda ay isku bedeshay mid qasan. Qaraxa ayay saraakiisha booliska sheegeen inuu ahaa mid yar oo kaliya dhaliyey dhaawacyo fudud.

.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.