Home Afsomali Qarax ka dhacay Afgooye & mas’uul lagu dilay

Qarax ka dhacay Afgooye & mas’uul lagu dilay

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu Maanta ka dhacay qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Xaafadaha degmada Afgooye ayaa lala beegsaday Gaari uu watay  Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga Dagmada Afgooye Xuseen Jibril, kaas oo la sheegay in qaraxa lagu dilay.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxa luu fuliyay Qof watay Mootada labada lug leh ee Fekon kaasi oo Mootada ku dhuftay Gaariga Gudoomiyihii hore ee Afgooye oo marayay meel u dhaw Aargada Afgooye.

Ciidamo katirsan Booliska degmada Afgooye ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo wada howlo baaritaano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.