Home Afsomali Qarax ka dhashay miino gaari loogu xirey oo dhimasho geystay ayaa ka...

Qarax ka dhashay miino gaari loogu xirey oo dhimasho geystay ayaa ka dhacay Magaalada muqdisho

Wararka ka imanaya Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Mahad waraabe dheere oo Taksiile ahaa uu ku dhintay kaddib markii uu qarxay Gaariga oo uu watay.

Xilliga uu qarxayay Gaariga waxaa uu maryay Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4,waxaana uu ku qarxay meel ka soo horjeedda Hotelka Jazeera ee Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa u sheegay saxaafada  la hadlay ayaa xaqiijiyey  Taksiilaha ah uu qabsaday Qarax ku xirnaa gaariga uu watay oo ay sheegeen in lagu dhejiyay.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu lahaa ninka qaraxa ku geeryooday aabihii oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada.waxaana goobta gaaray Ciida o ka tirsan Dowladda oo xiray Waddada uu qaraxa ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.