Home Afsomali Qarax kale oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Dayax iyo dad...

Qarax kale oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Dayax iyo dad badan o ku dhintay

Qarax kale ayaa dhacay rida hore ee hotelka dayax waxaana loo maleynayaa in lagu sii diyaariyey waxaana ku geeriyooday ciidamo badan iyo dad shacab ah oo goobta u soo daawasho tagay ,Waxaana gudaha hotelka ka socot risaas la isku dhaxweydaarsanayo .

Gaariga Labaad ee Qarxay ayaa ah kii ay saarnaayen dableyda Hotelka Weeraratay o ay dibada Hotel uga dageen balse ay ku jireen miinooyin iyo bambooyinka qarxa

Qaraxaan danbe waxaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay ilaa 4 wariye oo halkaa sawiro iyo warar ka tabinayey waxaana ka mid ahaa camiraman Faarax Ap iyo warye ka howlgala idaacada Kulmiye ee Fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho

Gudaha hoteelka waxaa ku jira xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo iyagu loo maleynayo in ay deganaayeen lamina oga qasaaraha dhabta ee gaaray inta uu la egyahay

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen in ka badan meydadka toban ruux oo goobta ku geeriyooday iyo dhaawacyo intaa ka badan .

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa soo gaaray goobta iyo ciidamada amaanka kuwaas oo isku diyaarinayo sidii ay gurmad ugu sameyn lahaayeen dadka ku jira hotelka gudihiisa.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.