Home Afsomali Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay la qarxiyay guri ku yaalo xaafada siinaay gaar ahaan todobada geed ismarkaana uu gaystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Guriga la qarxiyay ayaa la sheegay inuu daganaa Abaanduulihii hore ee Ciidamada ka ciidanka Jubbaland kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Raamsade,waxaana la sheegay inay ku dhinteen qaar kamid ah Carruurtiisa halka Sarkaalka iyo Xaaskisa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray darbiga guriga banaankiisa, waxaana ay goobjoogayaal sheegeen in uu qaraxa burburiyay dhamaan dhismaha guriga.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo garaaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland xalay ilaa saaka howlgallo xoogan ay ka wadaan xaafadaha ku dhow dhow Guriga qaraxa lagu weeraray wallow weli dad aan lagu qaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.