Home Afsomali Qarax lagu dilay labo ka tirsanaa koox isbaaro dhigatay dulleedka magaalada Beledweyne

Qarax lagu dilay labo ka tirsanaa koox isbaaro dhigatay dulleedka magaalada Beledweyne

Deegaanka lagu magacaabo Burjada-Ciidta oo galbeedka uga beegan magaalada Beledweyne ayaa lagu dilay qarax miino labo ruux oo ka tirsanaa kooxo isbaaro halkaa u tiilay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Qarax ayaa lagu waramayaa in uu ahaa mid goobta loogu sii aasay maleeshiyadan oo la sheegay in halkaa ku dhibaateyn jireen gadiidka isaga kala goosha magaalada Beledweyne iyo Muqdisho.

Marka laga soo tago labada ruux ee lagu dilay sidoo kale waxa jira dhaawacyo soo gaaray tiro kale oo ka mid ah maleeshiyadii goobta ku sugneyd.

Ugu danbeyntii, dhinaca kale, ciidamada dowlada Soomaaliya ku guuleystay in ay soo saaraan miino lagu aasay meel aan ka fogeyn guriga mid ka mid ah odayaasha dhaqanka xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

 C/raxmaan Diini

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.