Home Afsomali Qarax new model ah oo muqdosho laga fuliyey liiska magacyadii ku geeeiyooday

Qarax new model ah oo muqdosho laga fuliyey liiska magacyadii ku geeeiyooday

5 Askari ayaa ku dhimatay 10 Kalena waa ay ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Warshaddii hore ee Nacnaca Degmada Wadajir.

Ninkaan ayay wararku sheegayaan inuu isku qarxiyay agagaarka xero tababar loogusoo xirayay ciidamo katirsan dowladda federalka. Weli lama oga inuu weerarku ka dhacay gudaha iyo dibada xarunta, laakiin waxaa lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Waa weerarkii labaad oo ismiidaamin oo lala eegto goob ciidan, maalintii shalay ayay ahayd markii weerar ismiidaamin ah lagua bartilmaameesaday agagaarka wasaaradda gaashaandhiga, halkaas oo uu marayay taliyaha ciidanka miltariga Soomaaliya.

Saraakiil ayaa la sheegay in ay ku jireen dadka Qaraxaasi ku dhaawacmay.

Qaraxa ayaa Waxaa uu Fuliyay Ruux soo xirtay Dharka ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa mid xooggan , waxaana la sheegay in ruuxa Qaraxa fuliyay uu gudaha u soo galay Xerada Ciidamada ka dibna uu is qarxiyay.

Dadka la Xaqiijiyay inay ku dhinteen Weerarkani Ismiidaminta ahaa ayaa waxaa ka mid ah, Madaxii Tababarada ee Xerada Warshadii hore ee Nacnaca Korneel Badri Sheekh Aadan, Macalimiin Milateriga oo ay ka mid yihiin Korneel Bilaawe Cadde, 2-xidigle Cabdi Xakiin iyo G/dhexe Abuukar Dheere.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Warshadii Nacnaca oo hada lagu tababaro ciidanka Milatariga Soomaaliyeed.

Al Shabaab waxa ay sheegeen in weerarka ay ku dileen 25 ruux oo isugu jira saraakiil iyo askar milatariga Soomaaliya kamid ah.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.