Home Afsomali Qarax xildhibaan ku geeriyooday ayaa ka dhacay Muqdisho ( DAAWO SAWIRADA...

Qarax xildhibaan ku geeriyooday ayaa ka dhacay Muqdisho ( DAAWO SAWIRADA )

 

Qaraxaan ayaa ahaa mid aad u xooga jugtiisana laga maqlayey daafaha magaalada ayaa ka dhacay agagaarka bacadlaha dagmada Xamar weyne gaar ahaa deegaanka yoobsan afaafka hore ee maqaayada London gate

Sida warku sheegayo gaari qarax lagu soo xiray ayaa ku qarxay inta u dhaxaysa  xarunta bankiga IBS iyo maqaayada London gate oo ah meel ku dhow halka loo yaqaano beera Nabada.

Warka ayaa intaas ku daraya in gaariga qarxay uu  ka kacay dab aad u xoogan oo khasaare u geystay maqaayad halkaas ku taalla oo la yiraahdo London gate.

Qaac fara badan iyo uuro ayaa cirka isku shareertay kuwaasoo ka dhashay holaca ka baxaya dabka qabsaday gaariga qarxay ciidamada  amniga ayaana goobtaas gaaray oo xiray.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabele oo la yiraahdo C/wali Maxamed Ibraahim ayaa la sheegay inuu lahaa gaariga, waxayna wararku sheegayaan inuu ku dhintay qaraxa ka dib markii ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed cabdi Waare ayaa ka tacsiyadeeyey gerida ku timid Xildhibaan C/wali Maxamed Ibraahim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.