Home Afsomali Qarax xooggan oo lagu dilay masuul sare oo katirsanaa maamulka Taalibaan

Qarax xooggan oo lagu dilay masuul sare oo katirsanaa maamulka Taalibaan

Qarax xooggan oo ka dhacay gudaha xafiiskiisa ayaa lagu dilay guddoomiyihii gobolka Balkh ee waqooyiga Afghanistan , waxaana weerarkan si kulul u cambaareesay dowladda ay hoggaamiso Taalibaan.

Guddoomiye Mohammad Dawood Muzammil iyo xubno kale oo la joogay xafiiskiisa ayaa ku dhintay qaraxa xooggan ee ka dhacay xafiiskiisa, waxaana wararku sheegayaan in qaraxa loogu sii qariyay guddoomiyaha xafiiskiisa shaqada.

Afhayeenka maamulka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in gudoomiyaha uu ku shahiiday qarax ay fuliyeen cadowga Islaamka, waxa uuna sheegay in ay socdaan baaritaano lana soo qaban doono dadkii qaraxa ka dambeeyay.

Guddoomiyaha gobolka Balkh ee dalka Afganistan ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyay ee katirsanaa maamulka Taalibaan ee la dilo tan iyo markii kooxdaasi talada dalka AFgaanistan xoog kula wareegeen.

Previous article Dawlad Deegaanka Somomaalida Ethiopia somaliland waxay ugu baaqeysaa in ciidamadeedu ka Baxaan  laas caan
Next articleAkhriso:- Sharuudaha laga rabo Shirkadaha u tartamaya adeega Xujeeyda Sanadkaan ee la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.