Ugu yaraan Saddex qof ayaa ku dhintay in ka badan 5 kalane waa ay ku dhaawacmeen kadib Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo Maqribkii Caawa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Hotel Ambasadoor iyo Isbitaalka daarushifa ee Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa somalisan.com u xaqiijiyay Qaraxan dhimashada Saddex Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Shan Qof oo kale, inkastoo khasaaraha intaasi uu ka badan karo.
Qaraxa ayaa markii uu dhacay waxaa wadada Maka Al-mukarama mar qura laga maqlay rasaas fara badan oo ay rideen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan oo goobta ka agdhawaa.
Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta Duhurkii qarax kale uu ka dhacay inta u dhaxeysa Sanca iyo Sii Sii ka soo horjeedka Iskuulka Maxamuud Axmed Cali kaas oo dhaliyay qasaaro kale.
Waa qaraxii labaad oo todobaadkan ka dhaca Wadada Maka Al-Mukarama, Axadii la soo dhaafay ayay aheyd, markii gaari qarax la hor dhigay wadada uu ku hor qarxay goobo ganacsi ku yaala agagaarka Isgoyska Dabka
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view