Allaha u naxariisto Abdifitaax Abdirashiid Shire Il-qeyte oo Maanta ku geeriyooday Qaraxii Ka Dhacay hotel Saxafi
Sanad Kahorna Aabihiis baa Ku Dhintay Maantana Asagii baa Ku Dhintay
Dhimashada oo sare u kacday ilaa iyo 30 qof gaartay sida ay sheegayaan lamaha caafimaadka
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in Qaraxyo xooggan ay ka dhaceen agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.
Seddex gaari oo lagu soo raray qaraxyo xoog leh ayaa daqiiqado is xiga garaacay illinka hore ee Hotel Saxafi oo ku yaala bartamaha Muqdisho.
Diryaanka qaraxyadan ayaa galabta si isku mid ah looga wada maqlay badi degmooyinka Muqdisho, waxaana la maqlayaa wali rasaas mar-dhac ah oo ku beegan goobta la beegsaday, lamana hubo xadiga qasaaraha ay gaysteen qaraxyadaas.
Laakiin meesha la abaaray oo ah meel aad ay ugu badanyihiin dadka iyo gaadiidka ayaa la rumaysanyahay inuu sareyn karo qasaaraha gaaray dadweynaha gooshayay wadada cidhiidhiga ah iyo kuwa ku ganacsamayay hareeraha laamiga.
Goobaha qaraxyada ka dhaceen ayaa ah goobo istiraatiiji ah, waxaana bartilmaameedka u muuqdaa inay yihiin goobahaas ku dhow Isgoyska KM4.
Rasaas culus oo u muuqatay kuwo la is weydaarsanayay ayaa laga maqlayay halka qaraxyada ka dhaceen.
Qaraxyada oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Saxafi iyo Xarunta CID, waxaana wali si rasmi loo ogeyn bartilmaameedka rasmiga ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in illaa saddex qarax oo baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ka dhaceen goobahaas..