Home Afsomali Qaraxyo waaweyn oo ruxay magaalada Muqdiaho iyo saadaq john oo laga soo...

Qaraxyo waaweyn oo ruxay magaalada Muqdiaho iyo saadaq john oo laga soo badbaadiyry

Daqiiqado kahor qiyaastii waxaa jugta Qarax wayn laga maqlay qaybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Waxaanan laga soo badbaadiyay goobta inta badan Shaqaalihii Wasaaradda.

Xarunta taliska bolice ka gobolka banaadir ayaa xiliga weerarku dhacay waa just sugnaa taliyaha xarunta saadaq john waxaana ciidamada amaanka u suurta gashay in ay xarunta ka soo saaraan islamarkaan ay badbaadiyaan

Qaraxan oo loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday Dhismaha ay dagantahay wasaarada Shaqada & Shaqaalaha ee Dawlada federalka ah ee Soomaaliya sidoo kale waxaa bar-bardagan wasaarada Hawlaha-guud & guryaynta Soomaaliya.

laamaha amaanka & Gaadiidka gurmadka Deg-Daga ah ayaa goobta dhakhso ugaadhay iyagoo daad guraynaya Dhaawaca & Dhimasha mashaqadaasi sababtay.

sidoo kale waxaa lamaqlayaa Dhawaqa rasaas ka dhacaysa gudaha xarunta wasaarada shaqada & shaqaalaha walise makala cada in dablay hubaysani gudaha galeen & in kale.

waxaa jira Khasaaro dhimasho & dhaawacba leh oon wali latirakoobin sidoo kale bur-bur hantiyadeed buu sababay qaraxan.

Wax yar kadib baa lagu baraarugay Dhawaqa Qarax labaad oo isna ka dhacay Degmada Xamarweyne taasoo loomalaynayo inay wada socdeen.

wixii kasoo kordha dibaan idinkala soo socodsiin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.