Home Afsomali Qatar amni oo ka jirta Somaliland iyo amaanka magaalooyinka qaar oo la...

Qatar amni oo ka jirta Somaliland iyo amaanka magaalooyinka qaar oo la adkeeyey

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Somaliland ay labadii malmood  ee lasoo dhaafay ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinayay Ammaanka.

Dadka kunool Magaalooyinkaasi ayaa sheegaya in baaritaanada ay yihiin kuwo aan horay looga baran Ciidanka, islamarkaana heegan buuxa la galiyay oo sidoo kale ay jiraan wadooyin ay xireen.

Ciidanka ayaa sidoo kale dadka qaar weydiinaya aqoonsiga iyo sidoo kale cida ka dabiinta ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan qatar ah oo amni oo ay ogaadeen sirdoonka Somaliland oo sheegayay in weeraro ka dhici karaan Magaalooyinkaasi.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ugu ammaanka wanaagsan Soomaaliya, waxaana sanadyadii lasoo dhaafay ka jirtay xasilooni dhanka nabadgaliyadda ah oo la isku haleyn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.