Home Afsomali Qeybsashada Kuraasta labada gole oo la moodo in ay ehelkii kala geyneyso

Qeybsashada Kuraasta labada gole oo la moodo in ay ehelkii kala geyneyso

Codynta Doorashada

Beelaha Abgaal oo isku heysta cida qaadaneysa xubinta Aqalka Hoose ee la siinayo Haweenka

Waxaa soo baxaya is qab qabsi u dhaxeeya Beelaha Abgaal oo ku aadan cida qaadaneysa xubinta Aqalka Hoose ee la siinayo Haweenka, kaasoo qeyb ka ah qoondada Haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka.

Beesha Abgaal oo Baarlamaanka cusub ku leh 9 kursi oo Aqalka Hoose ah  ayaa u qeybsatay mid saddex kursi  oo ay kala qaateen seddexda beel ee Abgaal ee kala ah Harti-Abgaal, Wacbuudhan iyo Waceysle.

Beesha Waceysle  oo leh Saddex Kursi ayaa u kala qaadatay  Beelaha Cali Gaaf, Macalin Dhiblaawe iyo Absuge  oo ku murunsan  cida qaadaneysa gabadha, iyadoo  muranka u dhaxeeya beeshan loo gudbiyey guddiga doorashooyinka dadban iyo maamulka Galmudug oo go’aan ka gaaray beesha qaadaneysa, waxaana la isla dhex marayaa warar sheegaya in Beesha Absuge la siiyay.

Sidoo kale Beesha Harti Abgaal oo Saddexda kursi u kala qaadanaya Beesha Warsangeli, Beesha  Ow-bakar iyo Beesha Agoonyar  ayaa iyana wali isku mari cida qaadaneyso kursiga Haweenka

Beesha Wacbuudhan Abgaal oo ka kooban beelaha Daa’uud, Kabaale iyo Galmaax ayaa iyana isku mari la’ beeshii loo gaar yeeli lahaa inay kursiga u gaar ku tartamaan haweenka, waxaana la isla dhex marayaa in Beesha Galmaax la siinayo Haween, maadaama musharaxiinta kursigaas u badan yihiin haween.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa dhowaan ku wargeliyay Beelaha in la xaqiijiyo qoondada haweenka ee kuraasta Aqalka Hoose, isla markaana la helo Kursi ay haween kaliya u tartamaan.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.