Home Afsomali Qeyladhaan ka soo yeertay amiin aambulance iyo baaq ay u direen masuuliyiinta...

Qeyladhaan ka soo yeertay amiin aambulance iyo baaq ay u direen masuuliyiinta dowlada iyo bulshada soomaaliyeed (DAAWO SAWORADA)

 

 

 

Waxaa maanta shir Jiraa,iid u qabtay Warbaahinta Madaxa Adeega Gadiidka Gurmadka Deg dega ah ee yaqaano Aamin Ambulance,iyagoo sheegay inay soo foodsaartay mushaar la’aan.

Madaxa Gaadiidka degdegga ah ee Aamin Ambulance Cabduqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in gaadiidkan uu shaqeynaye muddo ku dhow 10 sano,islamarkaana sheegay in mudasi ay qaadeen dhaawacyo gaaraya ku dhawaad 30 kun dhaawacyo ah.

Waxa uu Cabduqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Yuusuf sheegay in shaqadaan ay bushada u hayaan ay ka cabsi qabaan in ay joojiyaan balse sheegay inysan joojin doono inta ay ku dhameyso wax dhibic dhiig ah,waxaana sidoo kale uu sheegay in Dr.C/qaadir adeeggan Aamin Ambulance ay ku bixiyaan muruq iyo maskax,isagoona xusay in wax taageero ah ka heysan dowlada iyo hay’addo.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in gurmadka ay bushada Soomaaliyeed u hayaan uu yahay mid aad u culus loona baahan yahay in la joogteyo,islamarkaana sheegay inay iyaga isku tashan doonaan oo ay jeebkood ku tashanaayan.

Gaadiidka Gurmadka degdegga ah ee loo yaqaano Aamin Ambulance ayaa waxa uu shaqo weyn u haayan buslaha Soomaaliyeed ,iyadoon dadaka Shacabka ah u fidiya gurmad Caafimaad.

Warsaxaafadeed

Shir Jaraa’id
Hay’adda AAMIN AMBALAAS waa hey’ad samafal oo waddani ah oo ay taabagaliyeen aqoonyahano Soomaali ah, kana shaqeysa gargaarka deg-deg ah ee caafimaadka una gargaarta qof kasta oo u baahan sida dadka ku waxyeeloba qaraxyada, xabadaha, shilalka gawaarida, hooyooyinka fooshu hayso, ilmaha shubmaya iyo qof kasta oo ay la soo gudboonato xaalad caafimad oo deg deg ah goob kasta iyo goor kasta uu u baahdo, iyadoo adeega AAMIN Ambulance uu yahay lacag la’aan ah.

Muddadii ay AAMIN AMBALAAS shaqeysay waxay gargaar degdeg ah u fidisay in ka badan 31,704 qof oo isugu jiro rag, haween iyo caruur dhamaantood qatar ugu jireen xalad caafimaddaro oo sababi kartay dhimasho, iyadoo garsiinay isbitaalada magaalada Muqdishu.

AAMIN AMBALAAS ambalaasta keliya ee si bilaash ah ugu shaqeyso dadweynaha ku nool magaalada Muqdishu 24ka saacna heegan u ah. Qofku wuxuu ka wici karaa numarka gaaban ee 999.

Mahadcelin
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ummudda Soomaaliyeed dal iyo dibad joogta gaar ahaan shirkadaha, shaqsiyaadkii iyo maamuladii soo jiray ee ka qeyb qaatay taakulaynta iyo gacan siinta adeega AAMIN AMBALAAS.

Caqabadaha
Muddadii ay shaqeynaysay AAMIN AMBALAAS waxaa la soo gudboonaday cabaqado badan oo isugu jira kuwa muuqda iyo kuwa daahsoon kuwaas aan ka xusi karno dhaqaalo la’aan, tababar la’aan, qalab la’aan iyo xarun gadiidka gurmadka deg deg laga maamulo.

Waxaa xusid mudan in aan isku daynay inaan geedkasta u fariisanay sidii xarun loogu heli lahaay gadiidka gurmadka oo gaarayo 16 ambalaas iyo shaqaalahooda, ilaa iyo hadda aynaan haysan meel lagu xareeyo gawaaridaas.

Dhaqaalaha

AAMIN AMBALAAS waxa culays wayn ka haysta maaraynta dhaqaalaha ku baxa gargaarka degdega ah, waayo ma jirto cid si joogta uga qaybqaadata bixinta dhaqaalaha ay u baahan tahay AAMIN AMBALAAS, marka laga reebo shirkado iyo shaqsiyaad is-xilqaamay.

Xilligaan la joogo waxaa kor u kacay oo afar ama shan jibbaarmay gawaaridii, shaqaalihii iyo adeeggii ay AAMIN AMBALAAS u haysay bulshada Soomaaliyeed, sidaa si la mida waxaa kor u kacay qarashaadka ku baxayo shidaalka, shaqaalaha, dayactirka gadiidka iyo baddelidda gaadiidka duqoobay, taasina waxay kaliftay inaan ku filnaan weyno qarash u helida adeegan iyadoo ganacsadadii, shirkadihii iyo saaxiibadii wax ku bixin jirtay adeeggaan ay daaleen culaysyo bandanna ay jiraan.

Codsi.
AAMIN AMBALAAS waxay ka codsaneynaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, Golaha wasiirada
iyo ganacsatada inay garab istaagan ama nagala shaqeeyan sidii loo sii wadi lahaa adeegan gurmadka deg deg ee ambalaasyada oo muhim u ah qofkasta.
Waxaan si kale codsaneynaa in na gala taageero
a. Xarunta gadiidka gurmadka deg deg
b. Qarashaadka joogtada ah oo muhim u ah sii wadista adeega
c. Qalab iyo tabar shaqaalaha
d. Fududeenta wada shaqeynta cidkasta oo ay nagala dhaxeyso wada shaqeyn.
Mahadsinidiin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.