Home Afsomali Qiso dhab ah iyo hormuud telecom ha ila yaabi balan baan fulinayee...

Qiso dhab ah iyo hormuud telecom ha ila yaabi balan baan fulinayee  

Waxaan goob joog u ahaa nin iyo xaaskiisa oo safar deg deg soo galay in ay ugu laabtaan London wakhtigu waa 4tii galanimo, intey iska daba wareeganayeen baa qoraxdii ku dhacday waxey ilaabeen lacagtii gacan qabsiga ahaa oo ay ugu tala galeen safarkaa dheer welibana ay ku sii nasanayeen Istanbuul Turkiya. Waxey hal mar soo xasuusteen in beri ay Jimco tahay Salaam Bank uusan furneyn. Waabaa ku baryey. Waxey soo aadeen Hotel Jazeera oo ah meesha aan kula kulmay. Markey I arkeen bey la soo boodeen Prof please ma naga caawin kartaa waxaan ilownay lacagtii safarka berina waa jimco meel furan ma leh please. Waxaan ku iri waa bangigee, waxey igu yiraahdeen Salam Bank. Waxaan ku iri saa hadey tahay 8da subaxnimo isugu kaaya keena Garoonka Aden Cade inshallah wax badan uma sharaxin waxaan ku iri hab aad lacagtiina aad ku heli kartaan baa jira waa inoo beri subax Inshallah. Aad bey u farxeen capitaan sheeko ka dib waan kala hoyanay.
Aroortii ileen waa dad murugeysane 6da subaxnimo waa kuwan I soo wacaayo. Waxaan ku iri go to the airport I will be seeing you there Inshallah. 8dii oo gow ah ayaan ka soo kaxeeyey Terminal ka waxaan keenay Xarunta Hormuud ee Airport ka. Waxaan wacay wiilasha mid ka mid ah Cabduraxmaan Taaj wuxuu ii sheegay habkii markaas baan ku iri reerkii arrinkiini xalkiisa waa la helay. Waxaan la kulanay wiilkii maalintaa fadhiyey xafiiska markaan u sheegnay ayuu wuxuu nagu yiri xisaabtaada lacag ma kuugu jirtaa asna wuxuu ku yiri Haa. Waxaa la warsaday Account No. Kiisa ka dibna waxaa si fudud loogu sheegay in uu Mobile kìisa geliyo *770# ka dibna PIN NO. kiisa geliyo ka dibna doorto 6 ka dibna 8, waxaa u soo qormay in uu geliyo nambar sireedka lacag hayaha oo ah wiilka computer ka fadhiya, isla markiiba wiilkii wuxuu u yeeriyey nambaradii 123456 waxaa u soo qormay codsigàadii waad ku guuleysatay, asagoo yaaban baa wiilkii u soo taagay lacagtii. Aad bay u farxeen qoyskìi mahadcelin ka dib waxey iga codasadeen in aan dhacdadan la wadaago bulshada gaar ahaan dadka dibada ka yimaada oo aan la Socon barnaamijkan WAAFI AMA DEEQTOON oo labaduba meel kastood adduunka ka joogtid hadaad horey u sii qaadato barnaamijka DALMAR oo kuu fududeynayo in aad lacagtaada meel kastoo dunida ka joogta aad sidaad rabtid u isticmaali kartid. Waa dhab in barnaamijka WAAFI uu yahay bad wax walbana aad ka dhex heli karto. Wadamo badan oo naga horumarsan baan heysan nidaamyada ay shirkadeena Hormuud ay noo keentay. Allah swt ayey mahadoo dhan u sugnaatay ka dib maamulka iyo masuuliyìinta Shirkadda Hoormuud. Haba yaraatee wax kharaj ah oo lagu dalacay reerkii ma jirto. EVC, DEEQTOO, WAAFI IYO DALMAR iyo kuwa kale oo badan oo anigaba igu cusub barashana iga rabto ayaad ku dhex jira WAAFI . Saaxiibadey iyagoo aad u faraxsan bey duuleen balse leh Somalia horumar la taaban karo ayey gaartay. HA ILA YAABIN BALLAN BAAN FULINAAYEY.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.