Home Afsomali QM oo ka digtay cuduro si xawli ah ugu fidaya Pakistan

QM oo ka digtay cuduro si xawli ah ugu fidaya Pakistan

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay halis ku soo fool leh dalka Pakistan ee ay daadadku halakeeyeen, iyaga oo sheegay in dalkaasi uu haatan gelayo wejigii labaad ee saamaynta ka dhalatay fatahaadaha, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya xanuunada faafa ee ka dhashay fatahaadaha oo lagu arkay dalkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin, kaneecada ama duumada, shubanka, cudurada maqaarka ku dhaca, iwm.

Julien Harneis oo ah isuduwaha arrimaha gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee dalka Pakistan ayaa sheegay in wejigii hore ee masiibada ka dhalatay daadadku inay sababtay burbur xooggan oo soo gaadhay waddooyinka, buundooyinka, guryaha iyo kaabayaasha kale ee dalka.

Isagoo sheegay in arrintaasi ay markhaati u tahay, cawaaqib xumahada ka dhalan karta, marka loo dhug yeelan waayo arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay illaa 1,700 oo qof ay naftooda ku waayeen, daadadkii ku fatahay dalka Pakistan, iyada oo dadka dhintay ay saddex meelood, meel ka mida ay caruur ahaayeen. Waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan ay soo gaadheen illaa 12,800 oo qof.

Daadadkan iyo fatahaadaha ka dhashay ayaa saameeyey illaa 33 milyan oo qofk, halka ay barakiciyeen illaa 7.9 milyan oo qof.

Harneis ayaa sheegay in cabsida laga qabo fiditaanka cudurada faafa ee goobaha ay fatahaaduhu ka dhaceen inay horseedi doonto dhimasho badan oo kale, gaar ahaan caruurta, kuwaas oo malaayiin ka mid ahi, ay haatanba la ildaran yihiin nafaqo darro baahsan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ugu yaraan 3.4 milyan oo carruur ah ay u baahan yihiin taageero naf-badbaadin ah oo degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.