Home Afsomali QM oo ka digtay macaluul ka dilaacda bariga Afrika

QM oo ka digtay macaluul ka dilaacda bariga Afrika

Jimciyada Quruumaha Kadhaxeysa, ayaa sheegtay in labaatan iyo laba milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika, ay qarka u saaran yihiin macaluul, iyadoo kolkii hore ay tiradu aheyd sagaal milyan bilowgii sanadkan.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Cunnada ee WFP, ayaa sheegtay in afar xilli roobaad oo xiriir ah oo baaqday ay dadka ku nool dalalka Kenya, Itoobiya, iyo Soomaaliya baday inay qarka u saaran yihiin macaluul.

In ka badan hal milyan oo qof, ayaa ka hayaamay hoygoodii, iyagoo baadi goobahaya cunno iyo biyo.

Hey’adda u qaabilsan caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO, ayaa waxay sheegtay in dunidu u tabaabusheysato wax ka qabashada sidii looga hortagi lahaa macaluul isku badali karta masiibo.

Yabooh lacageed oo aheyd in lagu deeqo bishii Janaayo ina dhaaftay, ayaa sidii looggu tala galey lacagihii aanay usoo xaroon.

Dagaalka Ukraine, ayaa loo weeciyey deeqihii, halka ay lasoo darseen caqabado qulqulka maraakiibta qaada shixnadaha Ukraine ee ka ganacsiga Qamadiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.