Home Afsomali QM oo markale ka digtay xaalad macluul ah oo ka dhacda Soomaaliya

QM oo markale ka digtay xaalad macluul ah oo ka dhacda Soomaaliya

Qarammada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in cunnada adduunka ee la gaarsiiyo Soomaaliya ay tahay sababta keliya ee keentay in uu yaraado xaaladaha qatarta ah oo ay wajihi lahaayeen dadka Soomaaliyeed

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladdu ay aad u liidato, dalkuna uu hadda ku jiro tartan quus ah oo ka dhan ah waqtiga si looga hortago cunno yari, isagoo la halgamaya afar xilli roobaad oo baaqday oo isku xigta tan iyo dhammaadkii sanadkii 2020 iyo sanadkii shanaad oo socda.

Dhinaca kale, WFP waxa ay ka digtay in haddii dunidu ay xaqiijiso cunto yaraan si rasmi ah loo sheego ka hor inta aan la qaadin tallaabo ay hoary aheyd in loo qaado ay keeni karto dhibaatooyin kale.

“Soomaaliya gabi ahaanba kama aysan bixin khatarta weli. Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda ba’an ee dalka ka jirta, waxaana ku jirnaa tartan quus ah oo ka dhan ah waqtiga,” Maareeye ku xigeenka WFP ee Soomaaliya Laura Turner ayaa u sheegtay wariyeyaasha ku sugan Magaalada ee dalka Switzerland.

Ugu dambeyn Hay’adda cunada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa sheegtay haddii xaaladdu ay sii xumaato ay dhaceyso macaluul la saadaaliyay ka hor dhammaadka sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.