Home Afsomali Qodob xadidaya awooda Madaxweynaha oo ku jira Sharciga doorashooyinka

Qodob xadidaya awooda Madaxweynaha oo ku jira Sharciga doorashooyinka

Waxaa weli Baarlamanka Soomaaliya hor yaalla Sharciga cusub ee Doorashooyinka Qaran ee heer Federaal oo xildhibaanadu ay doodo kulul ka leeyihiin.

Mid ka mid ah qoddobada ku jira sharcigan oo hadal heyn badan dhaliyey ayaa xaddidaya awoodda Madaxweynaha la doorto uu u leeyahay inuu si madax-bannaan u soo xusho qofka uu u magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha .

Qodobkan ayaa dhigaya in Madaxweynaha la doorto uu xilka Ra’isal Wasaare u magacaabi karo oo kaliya shaqsi ka yimid Xisbiga ama Isbaheysiga ku guuleysta kuraasta ugu badan Aqlabiyadda Baarlamaanka ( 50%+1).

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa awooddii uu markii hore madaxweynuhu u lahaa inuu si iskiis ah u soo xusho qofka Ra’iisal Wasaaraha noqonaya ee uu u arko in uu hoggaamin karo xukuumadda cusub.

Sidoo kale qoddobada sharciga ku jira ayaa meesha ka saaraya hadal jeedinta musharixiinta iskood u tanaasula maalinta doorashada iyo marti sharafta kale iyo wax kasta oo u muuqan kara olole doorasho.

Nidaamka dalka ayaa lagu sheegay ama xukunka dowladda in uu noqonayo mid Baarlamaani ah iyadoo madaxweynaha ay si wadajir ah u soo dooranayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO QODOBKA OO SIDIISA U QORAN:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.