Qodobada Beesha Isaaq Ay Doonayso in ay Hor Dhigto Mustafe Cagjar Xasuuqii Dacawaaley Ka Dib
Qorshaha wadaxaajoodka xukuumada & guddida reer sheikh Isxaaq Qodobada aanu xalka u aragno:-
1- In dawladu ku dhawaaqdo xabadjoojin ciidankeeda ah isla markaana ciidamadeed ay dib u qaado
2- In xukuumadu qaadato masuuliyada wixii ka dhacay qabalaha dacawalay
3- In xukuumadu talaabo sharci ka qaado hogaamintii laamaha amniga ee falkaa fulisay iyo cidkasta oo masuuliyada arintaasi gasho.
4- In xukuumadu bixiso magtii ergada nabada loo diray ee weerarka lagu
qaaday
5- In xukuumadu bixiso magtii dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay iyo kuwii ku
dhaawacmay rasaastii lagu soo iibiyay cashuurta shacabka. Islamarkaana
ay bixiso wixii hanti laboobay iyo khasaarihii ka dhashay magaaladii lagubay
6- In xukuumadu xaal iyo xumayn ka bixiso balan ka bixii lagu sameeyay
masuuliyiinta reer sheikh isxaaq kaga jira xukuumada.
7- In xukuumadu xoriyadooda u soo celiso shacabkii maxaabiis ahaanta loogu
soo qabqabtay qabalayga dacawalay kuwii hore iyo kuwii danbeba.
8- Waa in dawladu raaligalin ka bixisaa in dadka reer dacawalay ay ku dagaalamayaan cadho siyaad bare loo hayo.
9- Waa In xukuumadu raaligalin ka bixiso ku sheegista dadka reer dacawalay
ee is difaacayey in ay yihiin dad ree soomaliland ah iyo inay yihiin ururo
argagixiso.
10-Hogaaminta latalinta madaxwaynaha ee dhinaca amniga ee mediaha sida foosha xun uga hadlaaya ee dadka reer dacawalay ku sheegay inay yihii AS ama dad ka soo talaabay xad dalkale waa in sharciga la
horkeenaa.
Sideed U Aragtaa?