Home Afsomali Qodobada Heshiiska Habka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee Sanadka 2020

Qodobada Heshiiska Habka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee Sanadka 2020

Heshiiska Habka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee Sanadka 2020

Qodobka 1aad: Dhinacyada heshiiska
Waxaa heshiiskan wada-gaaray Dowladda Federaalka, Iyo Dawldaha Xubnaha ka ah, iyo Maamulka gobolka Benaadir.

Qodobka 2aad: Hordhac
Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee laguqabtay Baydhabo 3-4 June, 2018ka,

Markii ay tixgaliyeen kulankii Golaha Amniga Qaranka ee 6-10kii Febraayo, 2018 kaasoo lagu aasaasay Guddiga Farsamada ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka;

Markii ay arkeen heshiiska kor ku xusan (qodobkiisa 2.3) oo farayay in Guddigu soo daraaseeyo habka doorashada ee ugu haboon dalka sanadka 2020;

Markii ay Aqoonsadeen arimihi kaso baxay kulamadii heer caalami sida shirkii London ee May 2017kii iyo shirkii Somalia Partnership Forum ee Muqdisho bishii December 2017kii, qeybna ay ka ahaayeen Dowlad Goboleedyada Xubnahaka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Gobolka Benaadir oo ay Dowladda Federaalku ku cadaysay in ay kago’antahay qabsoomidda doorashooyin leh halbeeg caalami ah sanadka 2020 iyo in ay diyaariso sharciga doorashooyinka kahor dhamaadka sanadka 2018ka;

Markii ay darseen soojeedinta Guddiga Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka ee nooca doorasho iyo deegaan doorasho ee ugu haboon sanadka 2020ka;

Markii ay arkeen qodobada 47aad iyo 64aad ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markii ay tixgeliyeen danta guud ee dadka iyo dalka iyo baahida loo qabo xasilooni siyaasadeed oo waara oo horseeda nidaam dowladeed oo ku dhisan kalsoonida dadweynaha Soomaaliyeed iyo nidaam dimuqraadi ah oo loo dhanyahay, waxaan ku heshiinay Mabaadii’da soo socda;

Qodobka 3aad:

Mabaadii’da Aasaasiga ah ee Hab Doorashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya 2020

3.1. Nooca doorosho iyo degaan doorasho uu dalku qadanayo waa in ay noqdaan kuwo suuro galin kara in ay dad weynuhu codkooda si xor ah (qof iyo cod) oo dimoqoraadi ah u dhiibtaan.

3.2. Nooca doorasho waa in uu ahaado mid tixgalinaya xaaladaha amni, dhaqaale iyo isku dheelitirnaanta is metelaadda siyaasadeed.

3.3. In nooca doorasho uu yahay mid dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, kuna salaysan nidaam dimuqraadi ah oo tixgelinaya is matalaada isu dheelitiran.

3.4. In nooca doorasho uu yahay mid xaqiijinaya hannaan lagu ilaalin karo metelaada dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka.

3.5. Nooca doorasho waa in uu ahaado mid dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, kuna salaysan nidaam dimuqraadi ah oo tixgelinaya isu dheelitirnaanta kuraasta beelaha.

3.6. Nooca doorasho waa in uu ahaado mid xaqiijinaya hannaan lagu ilaalin karo metelaada dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka.
3.7. Nooca doorasho waa in uu ahaado mid horumarinaya wadajirka bulshada iyo muqadasnimada midnimada Soomaaliya.

3.8. Nooca doorasho waa in uu yahay mid kalsooni gelinaya dadka Soomaaliyeed in danahooda ay si habboon u matalaan wakiilo ay ayaga u soo doorteen.

Goluhu asagoo ka ambaqadaya mabaadii’da kor kuxusan wuxuu ku heshiiyay go’aanadan:

Qodobaka 1aad Habka doorashada dalku wuxuu noqonayaa nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran ee nooca Liiska Xiran (Proportional Representation –Closed List).
Qodobaka 2aad Dad waynaha Soomaliyeed ee xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan waa in la diiwaan geliyo lana xaqiijiyo in ay codkooda u dhiibtaan si xor ah.
Qodobaka 3aad Doorashadu waxay kadhacaysaa dhamaan dalka oo dhan, meelwalba oo ay suurtogal ka tahay iyadoo dalku midaysanyahay.
Qodobaka 4aad In qoraalka, iyo ansixinta sharciga doorashooyinka lagu soo dhameeyo ugu danbayn bisha December 2018.
Qodobka 5aad Waxaa la farayaa haya’daha shaqada ku leh arrimaha doorashooyinka in ay dhaqangelinta heshiiskan u maraan hannaanka sharciga ee Dalka.

Saxiixa Heshiiska
Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Mudane Xasan Cali Khayre
Ra’isal Wasaaraha SFS ___________________________________

Madaxda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah iyo Gobolka Benaadir
Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
Madaxwaynaha Punt-Land ____________________________________

Mudane Axmed Maxamed Islaam
Madaxwaynaha Jubba Land _____________________________________

Mudane Sharif Xasan Sheekh Adan
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed _____________________________________

Mudane Axmed Ducaale Geelle
Madaxwaynaha Galmudug ______________________________________

Mudane Maxamed Cabdi Waare
Madaxwaynaha Hirshabeelle ______________________________________

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ____________________________________

Taariikh 05 June 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.