Home Afsomali Qof ilaalo u ahaaw qof kalena dil oo xamar ku...

Qof ilaalo u ahaaw qof kalena dil oo xamar ku soo Noqnoqoqtay iyo tii ugu danbeysay

Askari Ilaalo u ahaa xildhibaan aqalka sare ayaa toogtay askari gaari ku watay Caruurtiisa Gudaha Magaalada Muqdisho

wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho  waxa  ka dhacay dil loo geystay askari Bolice ah oo sitay dharka shacabka .

Ninka lagu toogtay isgoyska dabka ayaa haa askari ka tirsanaa ciidanka Bolice-ka Somaliyeed waxaana madaxa ka toogtay askari ilaalo u ahaa xldhibaan ka tirsan aqalka sare ee dhawaan la soo doortay.

Gacan kudhiiglihii iyo qorigisiba waxaa gacanta kuhaya ciidanka boliska ee saldhigga waaberi askari ladilay waxuu katirsan yahay nabad sugida qaran

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo saarnaa Gaariga nuuca Hiluxes ah ayaa waxa uu Rasaas ku furay  askarigaa oo u muuqday Qof shacab ah oo watay Gaariga nuuca Aaliyoonka ah, kadib markii Askariga Qofka shacabka ah uu dhowr jeer ku amray in uu dib uga dego Gaariga ay wateen.

Gaariga ayaa markii Rasaasta lagu furay waxa uu ka baxay wadada, waxaana uu dhaawac u geystay Labo Qof oo shacab ah.
Ninka la dilay ayaa waxaa qeybta gadaale ee Gaarigiisa saarnaa Labo wiil oo da’dooda ay ka hooseyso 10 sano oo uu dhalay Marxuumka la dilay, sida ay inoo sheegeen Ehelada ninka la dilay.

Ciidamada Ammaanka oo gaabta aan ka fogeyn ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglaha, waxaan sidoo kale Ciidanka ay wadeen caruurta uu dhalay Marxuumka la dilay, si waalidoontooda loogu hagaajiyo.

 

https://youtu.be/N5I81-k_a18

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.