Home Afsomali Qofkii ugu horeeyey oo caawa bandowa saaran Muqdisho loogu dilay iyo isu...

Qofkii ugu horeeyey oo caawa bandowa saaran Muqdisho loogu dilay iyo isu soo bax ka dhashay

Xiisad xooggan ayaa caawa ka taagan isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isugu soo baxeen dadweyne carreysan kadib markii qof shacab ah loo dilay bandowga saaran magaalada Muqdisho dartiis.

Dilkan ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya, kaasi oo sidoo kalena dhaawacay qof kale oo rayid ah, sida ay goobjoogeyaal sheegeen

Qofka la dilay ayaa ahaa wiil dhallinyaro, waxaana banaanbaxa ka dhashay uu sababay in dadweyne carreysan ay taayaro ku gubaan inta dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo dugsiga Bartamaha.

Sida ay sheegeen goobjoogeyaal la hadlay warbaahunta askariga dilka geystay oo ka tirsan Ciidanka Booliska, ayaa ku sugnaa oo uu kasoo tegay barta koontaroolka ee Ciidamada Booliska ku hubiyaan gaadiidka.

Wiilka la dilay iyo gabadha dhaawaca ah ayaa la sheegay inay fadhiyeen banaanka guri ku yaalla agagaarka wasaaradda boostada, waxaana dilka uu yimid kadib markii ay diideen amar uu bixiyey askariga dilka gaystay oo ahaa inay guriga galaan.

Ka hor dilka ayaa la sheegay inay hadallo is-weydaarsadeen askariga iyo labada qof ee shacabka ah, mana cadda waxay ahaayeen hadalladaas.

Bandowga Muqdisho ayaa laga billaabo maalinta koowaad ee bisha Ramadan wuxuu billaabanayaa 7-da habeennimo, waxaana shacabka qaar ay walaac ka muujiyeen inay mararka qaar adag tahay in dadka oo idil ay xilligaas ku sugnaadaan guryaha maadaama ay jiraan dad kasoo afura xaafado kale, oo aan awoodin afurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.