Home Afsomali Qoraa Caalamiya ah Cheich Adourahman Bachir oo wax ka qoray Dhaqanka DP...

Qoraa Caalamiya ah Cheich Adourahman Bachir oo wax ka qoray Dhaqanka DP WORLD.

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

Waxaad moodaa in Imaaraadka Carabtu doonayo in uu ka noqdo geeska Afrika iyo gacanka Carbeed ee ku hareeraysan laacib ka ciyaaraya lambar adag oo aan la dhaafi karin.

Waxaase muuqata in Imaaraadku ku liito wacyiga siyaasadeed iyo taariikhda sooyaalka ah ee mandiqaddan geeska Afrika iyo gacanka Carbeed ee ku hareeraysan. Nacasnimada siyaasadeed ee ay Imaaraadku ka dhaxleen hantida dhaqaale ee Alle ku minnaystay ayaa moodaa in ay geyaysiisay in qooqa iyo kibirka aan caqligu la socon wax ku hoggaamin karaan.

Ninka la yiraahdo Suldaan Bin Saliim oo ah madaxa shirkadda DP World ayaa waxa uu ka hadlay xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana uu ku sifeeyay in ay tahay xukuumad ittixaadi ah oo siyaasiyan u jirta balse aan waaqici ahaan ka shaqayn dhulka Soomaaliya, isaga oo isku dhex khalday arimaha dalkiisa iyo Soomaaliya.

Soomaaliya maaha dowlad ittixaadi ah sida dalkiisa oo kale. Haddaba arintaasi waxaa ay muujinaysaa heerka uu gaarsiisan yahay garaadka siyaasadeed ee ninkan madaxda ka ah Sharikad lagu tilmaamo in ay tahay sharikadaha ugu muhiimsan dhaqaale ahaan caalamkan.

Markale waxa uu soo qaatay wadciga Soomaaliya , laakiin isaga oo aan aqoon durugsan u lahayn qaanuunka duwaliga ah iyo xeerarkiisa, waxaana uu ka hormariyay waaqiciga siyaasiga ah kan caalamka lagaga dhaqmo, waxaana uu ku dhacay dabin sharci ahaan, taas oo mudan in dowladda federaalka ah ee Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysato, bal waxaan dhihi karnaa waa in ay ka dacwaysaa maxkamadaha caalamiga ah iyo qaramada midoomay si bahalkan nacaska ahi u aqoonsado in shucuubta aan lagu hoggaamin calool la ciyaarnimo, balse caqli lagu hoggaansho.

Ninkani waxa uu sidoo kale dagaal ku qaaday shacabka reer Jabuuti, isaga oo yiri shirkaddan waxa ay reer Jabuuti ka dhigtay bashar( dad) , tanina waxa ay ku tusin caqliyadda ganacsi ee jaahilnimada ah taas oo wax kasta lagu qiimeeyo maalka uun, waxa uu hilmaansayahay in karaamada qofku tahay arin gooni ah, waana u gar mar haddii uu ku soo barbaaray tusaalaha Imaaraadka oo si xowli ah mar uun isku badelay dhaqaale ahaan, halka shucuubta geeska Afrika oo ay Jabuuti ku jirto ay soo mareen isbadel xaddaari ah oo si tartiib tartiib ah u soconayay muddo qarniyo ah, qofkii si dhow taariikhda geeska Afrikana ula socday waxaa uu ka dheehan karaa in Jabuuti muddo hore lahaan jirtay Bangiyo, Waddooyin Tareeno oo casri ah iyo Iskuulo, halka Imaaraadku xilligaas ahaayee waxaan jirin oo taariikhda meelna kaga xusnayn.
Dhanka Soomaaliya, magaalada Muqdishu waxa ay aas-aasantay muddo hadda laga joogo toban qarni, hal marna kama soo dhex bixin sida Imaaraadka badwinimada saxaaraha, bal iska dhaafee waxaan dhihi lahaa raggan badaawida ah ee Carbeed akhriya buuga taariikhda Ibnu Batuuta ee uu ka qoray mandiqaddan( gobolkan), Muqdisho waxa ay ahayd magaalooyinkii ugu muhiimsanaa, uguna quruxda badnaa xilligaas qaaradda Afrika.

Waa ogyihiin Imaaraadku ahmiyadda magaalo xeebyada geeska Afrika, gaar ahaan Jabuuti, Berbera iyo Muqdishu, waana ku hurdaan in ay mustaqbalka hoggaamin doonaan ganacsiga geeska Afrika shucuubta degan halkan oo ah dhulka Soomaalidu degto.

-Shacabka Soomaaliyeed waa shacab firficoon oo nool marka laga eego dhanka dhaqaalaha iyo siyaasaddaba, waxaa jirta gabar Soomaaliyeed oo xubin ka noqotay golaha sharci dajinta Maraykanka, sidoo kale wiil Soomaali ah ayaa wasiir ka noqday Canada, isaga oo noqday qofkii Muslim ah oo ugu horeeyay oo halkaas wasiir ka noqday, sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minasoota waxa ay gaareen guulo waawayn oo la taaban karo dhanka Diinta, Siyaasadda iyo Arimaha Bulshada, taas ayaana kuu daliil ah in ay yihiin shacab nool meel kasta oo ay tagaan, noloshoodana meel hoose ka soo bilaabi kara.

-Shacabka Soomaaliyeed waxa uu leeyahay dareen sarayn ah, mana ogola in uu isliido, sidaas awgeed qofka Soomaaliga ahi ma ogola in uu isku waynaysiiyo maal ama kursi.
Haddaba, Imaaraadku waxa ay u muuqdaan inay siyaabo kala gaddisan u isticmaalayaan sidii ay u kala ja jabin lahaayeen isku xirnaanshaha bulshada geeska Afrika, waxaana dariiqooyinka ugu waawayn ka mid ah maalka ( Laaluush) si ay shakhsiyaadka muhimka ah u siiyaan Guryo , Lacag iyo Gawaari, bal xittaa qaarkood ugu qoraan mushaharaad joogto ah si ay u iibsadaan damiirkooda, hadhowna gudahooda uga dhex samaystaan sirdoon iyaga gacan saar la leh oo dadka u dulleeya sida Yemen ka socota.

Imaaraadku waxa ay horgale u yihiin dowlado waawayn oo qorshayaal fog fog ka leh mandiqaddan oo isticmaar ka danbeeyo, sidaas awgeed ku joogsan maayaan rabitaankooda lacageed oo kali ah, ee waa in dadka kuwooda indheer garadka ahi iyo shacabka oo isku duuban diidaan qorshayaashoodan faashilka ah ee ay gobolka ka wadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.