Home Afsomali Qormo: Seyladda kala iibsiga dowladnimada

Qormo: Seyladda kala iibsiga dowladnimada

SEYLADDA KALA IIBSIGA DOWLADNIMADA!

Seyladdan oo markeedii hore aheyd mid ku dhex taalla xarunta Baarlamaanka oo kaliya, waxa kaliya ee lagu kala iibsadana ay aheyd mooshinno ayaa haatan waxaa ay u xuubsiibatay mid ku baahsan dhammaan dalka oo dhan, gaar ahaanna magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismayo, Jowhar, Cadaado iyo Garoowe.

Sicirka suuqan waxaa jaangooya dallaaliinta siyaasadeed ee u kala dab qaada Odayaasha dhaqanka ee aan wax qorin waxna aqrin, ergooyinka wax dooranaya ee aan codkooda iibku yahay, musharixiinta laga iibinayo ama loo iibinayo xilalkii ay beelahooda sedka uga heleen qeybsiga hasha uu libaaxa dilay ee qaranka iyo guddiyada doorasho ee dallaaliinta u ah odayaasha kursi ku macaashka ah ee Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada.

WEJIGA 1-AAD

Suuqa kala iibisiga ergooyinka ayaa ka billowday $2,000 halkii boos ergo, kaas oo ugu danbeyn gaaray $10,000 halkii ergo, waa inta aysan fara maroojiska billaaban. Kala iibsiga kursiga baarlamaanka ee beelaha qaar ayaa gaaray $1.3Million oo doolar, kaas oo rag qaas ah ay manta ku fadhiyaan hal kursi baarlamaan oo illaa heerkaas qiimihiisa gaaray, balse aan la ogeyn sababta loo qaaliyeeyey.

Haatan oo wejiga 1-aad ee xilli ciyaareedka siyaasadda uu marayo gebogebo qiimaha ugu hooseeyo ee kuraasta harsan waxaa uu marayaa $100,000 taas oo isugu jirtay $50,000 ay qaadanayaan guddiyada doorasho ee SIEIT iyo FIEIT iyo $50,000 oo isugu jirta is diiwaangelinta, ergo xareynta, cunto siin, jiif iyo qayilaadda ergooyinka.

Dullaalliinta kuraasta dowladnimada iibgeeya ayaa waxaa ay billaabeen in ay ka fikiraan jaangoynta kala iibsiga kuraasta wejiga dhexe iyo wejiga seddaxaad ee ugu danbeeyan. Waxaa haatan la isu  diyaarinayaa in loo gudbo wejiga dhexe.

Si aad u fahamto meesha ay wax ka soo billowdeen waa in aad dheehataa muuqaalka Seyladda ee hadda, gaar ahaanna meesha uu ka soo billowday iyo sida uu haatan yahay.

Sida caadiga ah:

1.       Si aad musharax u noqoto waa in aad $5000 ku shubto koontada Guddiga dadban ee doorashada dadban.

2.       Waa in aad urursataa, meel dejisaa odey dhaqameedkii ku soo qori lahaa iyo ergadii ku soo dooran laheyd, isla markaasna bixisaa jiifkooda, cuntadooda, qayilaaddooda, iyo wixii lacag ah ee ay ku weydiistaan.

3.       Waa in aad bixisaa $50,000 oo laaluush ah si ay SIEIT madasha dorashada u keenaan liiska ergadaada, haddii kursigaaga mid ay dad badan ku tartamayaanna waa in aad bixisaa $200,000 oo laaluush ah ugu yaraan.

4.       Waa in aad $5,000 ka bixisaa qofka Manxiiska kuu noqonaya ee in uu kula tartamay metelaayo. Si uusan qofkaasi kuugu soo giiran waa in aad xulataa qof aad og tahay in uusan kugu soo giiraneyn, sida gabadha Dumaashidaa ah ee xaaskaaga la dhalatay, Darawalkaaga, Gabdha reerka Booyeysada u ah, Macalinka dugsi quraanka, wiil aad adeer u tahay oo ciyaalka xaafadda ah iwm. Haddii uu qofkaas soo giirtana waa in aad heysaa $5,000 aad ugu iibiso gaari haddii uu wiil yahay, dahab haddii ay gabar tahay.

5.       Waa in aad $5,000 sii siisaa guddiga xallinta khilaafaadka si haddii kursigaaga ay dood ka timaado aysan gartaas u qaadid oo waqtiga uga lumiyaan qofkii dhibanaha ahaa ee soo dacwooday.

Haddaba maxaa dhacay?

Si loo xaqiijiyo kuraasta Baarlamaanka in ay ku soo baxaan dadkii lacagaha laga qaatay ama ay wateen hogaamiyeyaasha Siyaasadda xilligan, waxaa lagu kacay wax yaabo haddii aan halkan ku sheego ay dad badan u qaadan doonaan in aan iska ciyaarayo.

Dhammaan waxyaabahan aan soo wado waxaa lagu sameeyey musharixiin ka mid ah kuwa tartamayey.

1.       Gabar musharax ah ayaa suulliga gashay, kaddibna inta kor lagaga xiray ayaa cod la qaaday, iyada oo la sheegay in musharax Heblaayo ay soo xaadiri waysay, iyadiina musqushii ay ku xirneyd ayey ka dhex maqleysaa waxa dhacaya oo aad ayey u garaaceysaa, waxaa ayna leedahay “Iga fura…Iga fura…waan joogaaye ha i nabina” Markii laga furay waxaa laga horgeeyey qofkii la tartamayey oo kor loo sido oo in la doortay la muujinaayo.

2.       Musharax ayaa keensaday liis ergo ah, kuwaas oo si loogu diiwaan geliyo uu dhiibay $100,000 oo laaluush ah. Habeenkii ayaa qof kale dhiibtay $200,000, kaddibna liiskii magacyada ee uu geeye ayaa kaarar loogu sameeyey dad kale oo uu geystay musharixii $200,000 dhiibtay. Markii liiska ergada codeyneysa irridda laga siineynayey, qofkii magiciisa la yeeriyo ee gacanta taago waxaa kaarka ku dhegan sawir kale, qofkii sawirkiisa ku dhegnaa ayaa ku galaya.

3.       Wadaad siyaasi ah ayaa loo sheegay in loogu baaqay in uu salaadda khudbada soo dukado, kaddibna soo dhaqsado si khudbadda dabadeed doorasho u dhacdo, kaddibna inta ay khudbadii socotay ayaa la toortay qofkii la rabay, waxaana la sheegay in uu soo xaadiri waayey Sheekh Xildhibaan Hebel.

4.       Musharax ayaa la wacay si uu u yimaado madasha doorashada, kaddibna waxaa loo sheegay in uu soo raaci gaariga loo soo dirayo, markii la soo qaadayna darawalkii iyo ilaaladii la socotay waxaa ay u sheegeen in ay jidadka Jowhar kala barayaan, waa ayna wareejinayeen illaa ay soo dhacday farriin ay sugayeen oo lagu ballansanaa, kaddibna markii ay goobtii keeneen waxaa laga horkeenay musharixii la tartamaayey oo ubaxyo inta qoorta loo geliyey kor loo sido.

5.       Nin manxiis u ahaa musharax kale oo xilka lala doonayey ayaa ergadii wax dooraneysa mid mid uga dhaadhiciyey codkaaga kaliya i sii si aanan u ceeboobin 50ka kale waxaa ay dooran doonaan hebel, sidaasna waxaa uu ku helay kursigii.

6.       Musharax soo taagan oo markii wax kale laga qaban waayey la xiray isaga oo xil iyo xasaanad leh, kaas oo xeelad markii loo waaye xoog loo sheegtay.

7.       Musharax loo sheegay in haddii uu goobta doorashada imaado in la toogan doono, kaas oo uu handaday ninka la tartamayey seeddigiis oo ka soo jeeday beel ka xoog badan kan loo hanjabay beeshiisa.

 

WEJIGA 2-AAD

Wejiga labaad ee seyladdan waxaa yaala badeecado kala gedisan oo aan isku heer aheyn. Qaar waa qaali oo lama goyn karo, qaarna waa xaraash oo ciddii dooneysaa waxaa loogu darayaa duco iyo bun. Xilka Guddoonka Baarlamaanka waa iska xaraash, ciddii dooneysa waa ay qaadan kartaa, mana muuqato in ay cidi lagac badan ku bixin doonto hellidiisa. Beelaha tunka weyn ee kala boobaya dowladnimada midna ma dooneyso in ay qaadato xitaa haddii ay duco la socoto, qarashkeeda in ay ku iibsato haba sheegin. Balse waxaa laga yaabaa in ay codkeeda ku tabarucdo beel kale si ay isu dhaafiso oo aysan xilalka qaaliga ah ugu ciriirin.

XILKA UGU QAALISAN

Xilka ugu qiimaha badan ee haatan la isku hayaa waa kan madaxweynaha. Qofka noqonayo madaxweyne sanadka waxaa uu u baahan yahay in uu heysto adduun lacageed oo ka badan $40,000,000 (Afartan milyan oo doolar). Taasina waxaa sabab u ah in qiimaha halkii cod ee doorashada Madaxweynaha uu Baarlamaanka Gudihiisa ka noqonayo ugu yeraan $100,000 illaa $200,000, taas oo ka dhigeysa in qofkii raba in uu guuleysto uu u baahan yahay in uu xaqiijiyo 166 xildhibaan codkooda. Haddii 166 xildhibaan codkooda lagu dhufto $200,000 midkiiba wadartu waxaa ay noqoneysaa $33,200,000 oo Doollar.

Qofka Madaxweyne noqday, ee olole ku bixiyey dhawr milyan, codadkiina ku iibsaday $33.2 milyan oo dollar waa hubanti in uusan magacaabeyn xil aan qarash lagu kala qaadan laga billaabo Ra’iisal wasaare illaa agaasimayaasha iyo safiiradda.

Haddaba si uu qofka Madaxweyne u noqoto waxaa uu u baahan yahay in uu qaado tallaabooyinkan:

1.       Waa in uu qarash ku bixiyaa in xilka guddoonka Baarlamaanka ay qaadato beel aan tiisa aheyn, kuna dadaalaa in qof beeshiisa ah uusan isu soo sharixin xilkaas.

2.       Waa in uu bixiyaa $100,000 ee is diiwaangelinta musaraxnimo ee Maxadweynenimada.

3.       Waa in uu diyaarsadaa lacag u goysa codadka 166 xildhibaan oo uu isku hubo, taas oo aan ka yaraan kareyn $33.2 milyan oo doollar.

4.       Diyaarsado dullaalliintii u suuq geyn laheyd xilalka uu magacaabi doonno ee ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaaraha, Wasiirada, Kuxigeenada iyo Agaasimayaasha, sidoo kale Safiirada.

WEJIGA 3-AAD

Wejiga seddaxaad ee doorashada waa marka Madaxweynaha dadban ee la doortay uu doonayo in uu soo magacaabo Ra’iisal wasaaraha.

Haddii ra’iisal wasaaraha ay beelaha iska keensan jireen haattan warkaas wuu dhammaaday. Madaxweynaha dooran waxaa uu xilkaas ku soo bixiyey $40 Milyan oo Doollar, waana qasab in lacagtaas ay ka soo noqoto xilalka la magacaabayo.

Si ay taas u suurto gasho, dullaalliinta siyaasadda waxaa ay saadaalinayaan in sicirka kala iibsiga xilalkaas ee seyladda wejiga seddaxaad uu noqon doono sidan.

Qofka doonaya in uu Ra’iisal wasaare noqdo waa in uu:

1.       Bixiyaa lacagta qabashada codsiga Ra’iisal wasaarenimo oo dhan $200,000.

2.       Waa in uu bixiyaa $500,000 oo kale haddii uu doonayo in uu ka mid noqdo liiska shanta qof ee loo xulanayo in la wareysto si mid loogala baxo.

3.       Waa in uu diyaariyaa lacagta $5,000,000 oo ah haddii loo garto in uu qabto xilkaas Ra’iisal wasaaraha.

4.       Waa in uu saxiixo heshiiska qeybsiga Dakhliga ka soo xaroonaya dadka u tartamaya xilalka wasiirada, kaas oo Madaxweynaha uu yeelanayo 70% Ra’iisal wasaarahana 30%

Sida la filayo qabashada codsiyada xilalka wasiiradda dowladda soo socoto waxaa ay noqonayaan kuwo lacag badan ku kaca, qofkii xil wasiir doonayo waa in uu:

1.       Bixiyaa lacagta qabashada Codsiga oo ah $50,000.

2.       Bixiyaa lacagta ka mid noqoshada liiska la wareysanayo (Short List) oo dhan $200,000.

3.       Bixiyaa lacagta helitaanka xilka wasiirnimo oo ah $500,000.

4.       Saxiixaa in uu daqliga wasaaradda 40% siinayo Ra’iisal wasaaraha.

5.       Saxiixaa in uu dacwad ka keenayo Agaasimaha guud, si xilka looga qaado kaddibka xilkaas loo iibiyo.

Wasiirrada soo socda qudhooda oo ay qiime adag ugu kaceyso in ay xilka wasiir helaan waxaa la filayaa in ay magacaabi doonaa agaasimayaal tiro badan, kuwaas oo isugu jira agaasime guud, la-agaasime, agaasime waaxeedyo iyo xoghayayaal joogto ah.

Arrinta ugu muhiimsan!

Dullaaliinta siyaasadda ayaa durba billaabay in ay musharixiinta qaar u sheegaan in loo baahan yahay in afarta sano ay xukuumadda yeelato 4 ra’iisal wasaare oo ka kala duwan, si lacag looga sameeyo qabashada codsiyada Ra’iisal wasaaraha hadba cusub iyo kuwa dadka doonaya in ay xubno ka noqdaan xukuumadaha cusub. 

Wixii fikir ama dhaliil ah ku soo hagaaji: abukar.albadri@gmail.com 

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.