Home Afsomali Qormo Xiiso leh oo uu qorey Abdi Asiz Really Diaspora wixii kasoo...

Qormo Xiiso leh oo uu qorey Abdi Asiz Really Diaspora wixii kasoo haray dumarka miyaa iska leh

Hanaanka dhismaha dowladda dhexe ee soomaaliya ayaa ah mid aad ugu salaysan muqaalka qurbajoogta, waxaana sawirkaasi xoojiyay markii ay wada qurbajoog noqdeen madaxda ugu saraysa dalka sida Madaxeynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana jirtay rajo gaaban oo ku salaysneed in wasiirka koobaad uu noqdo qof qaran joog ah lakin madhicin ee waxa uu Ra,iisulwasaare u magacaabay Madaxeyne Farmaajo Kheyre oo isaguna ah Qurbajoog.

Aqoonyahana Soomaaliyeed ee Qaran joogta ah ee aan ka bixin waxa ay u xusul duubteen in ay ka soo dhex muuqdaan golaha wasiirada lakiin waxaa taako xoogan ku noqotay in ay san aqoon badan u lahayn Kheyre oo qurba joog ah, halkaasi waxaa fursad xoogan ka helay Qurbajoogtii oo ka imaanaya dhanka madaxda sare iyo waji aqoon. Siyaasiyiin badan ayaa afka iyo gacanta isla waayay markii lagu dhawaaqay liiska xukumadda dhexe oo ubadan qurbajoog, waxaa meelaha qaar bilawday dhaliilo iyo olalo ka dhan ah Diaspora da waxaa lagu daabacay bogaga bulshada cabasho badan lakin maxaa xigay.

Madaxweynaha waagadiisiiye waxa uu Gobalka banadir u soo magacaabay Godoomiye taabid oo Qurbajoog ah, waxaana taasi ay keentay in ay sii gaabato rajada dhalinyaradii wax ku bartay dalka ee aan meena uga cararin qarankooda.

Habaar dhimo madhaafee waxaa maalmo uun kadib lagu dhawaaqay xilka qaadista iyo magacaabista godoomiye ku xigeenada gobalka banadir waxayna isugu jireen qurba joog iyo dumar markii ugu horeysay.

Waxa ay hoosho soo gar guutataba waxaa lagu dhawaaqay xilka qaadista gudoomiye yaasha Degmooyinka Gobalka banadir waxaana la magacaabay kuwa cusub waxa ay intooda badan noqdeen qurba joog iyo dumar gaaraya ilaa 5 markii ugu horeeysay. Ugu dabeentii Aqoonyahanada iyo dhalinyardii dalka wax ku bartay oo kusoo uruuray markaan habaartan ayaa baararka laga qaxweeyo waxa ay la taagan yihiin Diaspora wixii kasoo haray dumarka miyaa leh!!

W /Q:Abdi Asiz Really.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.