Home Afsomali Qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta akhrintii 3aad ee wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka &...

Qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta akhrintii 3aad ee wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta akhrintii 3aad ee wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland.

Wax-ka-bedelka xeerka oo labadii cishe la soo dhaafay doodiisa soctay, ayaa ka kooban 54 Qodob, Dooda ugu badan ayaa ka dhaltay Qodobka 21-aad kaas oo ka hadlaya Xuquuqda Qoyska Hawlgabaha dhintay, sida ku cad wax-ka-bedelka Guddiga.

Qodobka 21-aad – Xuquuqda Qoyska Hawlgabaha dhintay

1. Xaqa hawlgabaha dhintay waxaa lagu xannaanaynayaa qoyskii uu ka dhintay.

2. Xaqlayaasha ku xusan farqada 1-aad, waxay xaq u yeelanayaan xaqa hawlgabaha dhintay oo ku salaysan cadadka lacagta hawlgab ee uu heli jirey sida:

B. Haddii hawlgabuhu dhinto isaga aan dhammaysan muddadii uu hawlgabka ku mutaysan lahaa.

T. Haddii hawlgabuhu dhinto isagoo aan gaarin da’dii uu ku hawlgabi lahaa.

3. Haddii hawlgabaha xaq u lahaa uu dhinto sabab la xiriirta shaqada, waxa qoyskiisa xaq u yeelanayaa lacagtii hawlgabaha dhintay.

4. Xuquuqda hawlgabka dadka laga dhintay waxaa xaq u leh dadka laga dhintay ee xeerkan qeexayo oo kaliya. Shaqaalaha hawlgabka xaqa u leh iyo guud ahaan kuwa hawlgabay ee aan ku sifoobin helida xuquuqdaan, looma aqoonsan doono loomana magacaabi karo inay xuquuqdaan helaan.

Dooda Qodobkaa ayaa Golaha isku raacay in loo yeero Culimadda kuwaa oo qeybtood horay Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada la-tashi ugala yeesheen wax-ka-bedelka Xeerka, waxaana maanta Golaha Wakiilada hor-yimi Shiikh Dalmar Guurreeye Kaarshe, Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Shiikh Mukhtar Maxamuud Maxamed.

Culimadda oo hadal ka jeediyay fadhiga Golaha ayaa sheegay in Qodobka 21-aad ee Xuquuqda qoyska hawlgabaha dhintay ay tahay dood dunida oo dhan ka jirta, iyagga oo soo jeediyey saddex arrin mid walba oo la qaato inay tahay mid bannaan oo diinta Islaamka raali ka tahay, balse waxay codsadeen in wakhti ku filan la siiyo.

Intaa kadib, Dood ay Xildhibaannada ka yeesheen Qodobka 21-aad ee wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka ayey isku raaceen in wakhti ku filan la siiyo Culimadda si ay Qodobkaa la tashiyo ugala yeeshaan Culimadda kale.

Dhinaca kalen, waxaa maalinta berri ah Golaha ka bilaaban doonta Dooda wax-ka-bedelka Xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland kaas oo horay Golaha u ansixiyeen sannadkii 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.