Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar kula jarmaaday saldhigga ciidamada Uganda (AMISOM) ee degmada Qoryooley oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ay arkayeen dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay magaalada, kadibna halkaasi uu ka bilowday dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeyay labada dhinac.
Sidoo kale dadka degaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen Madaafiicda iyo Rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku abuurtay cabsi xoogan.
Al-shabaab ayaa war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen in ay qabsadeen inta badan xaafadaha degmada Qoryooley balse markii dambe ay dib uga gurteen.
Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka saakay Ururka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Uganda ee degmada Qoryooley oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan ka degmada Qoryooley oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in weerarka uu jiro, balse ay dib ka faah faahin doonaan, oo hada ay wadaan uruurinta xogta dagaalka.