Home Afsomali Rag ku labisan dareyska dowlada oo wiil watay Mooto bajaab ku toogtey...

Rag ku labisan dareyska dowlada oo wiil watay Mooto bajaab ku toogtey Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo watay labo gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa goordhaweyd waxa ay wiil dhalinyaro ahaa oo waday mooto Bajaaj ay ku dileen isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Labada gaari waxaa saarnaa ciidan aad u hubeysan oo Militeri ah waxaana watay nin oday ah, oo ka Tirsanaa Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal Ciidamadda ayaa rasaas si bareer ah ugu furay Wiilka dhalinyaradda ahaa kaasi oo wadada marayay.

Ciidanka ayaa markii hore isku dayay in ay ka tagaan dhaawaca wiilka dhalinyarada ah balse dadka goobta ayaa Jeneraalka ku qayliyay in uu qaado,waxaana ugu dambeyntii laga qaday goobta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.