Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee Soomaliya waxa Goordhaweyd laga soo dejiyay saddex nin Magafayaal Soomaali ah oo dadka ka tahriibin jiray dalka Koofurta Sudan.
Shaqsiyaadkaan ayaa la sheegay in dhawaan laga soo qabtay magaalada Jubba ee Caasimadda Koofurta Sudan, iyagoo ku howlanaa falal Tahriibin ah, waxaana qabashooda iska kaashaday Ciidamada Booliska Adduunka ee Interpol iyo Ciidamada Koonfurta dalka Suudaan.
Seddexda nin ee laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu kala magacabaa Caydaruus C/llaahi Naxar, C.raxmaan Maxamuud Socdaal iyo Liibaan Cabdullaahi Xuseen, waxaana lagu waraajin doonaa Dowladda Soomaliya.
Raggan ayaa markii laga soo dejinayay garoonka diyaaradaha Muqdisho la sheegay inay gacmaha ka katiinadeysnaayeen, waxaana la socday askar ka tirsan Interpol oo ku wehlinayay diyaarad qaas ah oo saaka ka soo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Jubba.
Todobaad ka hor ayay aheyd markii garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay nin magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle oo isna ka mid ahaa dadka wax tahriibiya, kaasoo laga soo qabtay magaalada Jubba ee dalka Koofurta Sudan.
Bilihii la soo dhaafay laga tahriibiyay Gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasoo tahriibintooda ka qeyb qaadan jireen shabakado dadka tahriibiya oo isku xiran, kuna sugan Soomaaliya, Uganda, Koofurta Sudan, Sudan, Masar, Libiya illaa Talyaaniga.